Nidaam Xumada Ay Shirkadaha Somaliland Faafinayaan

Waxaa marka horeba qalad ah in shirkaduhu ay yidhaahdaan abaalmarinno ayaanu siinaynaa xulalka goballada, koox iyo qudh labadaba.

Kooxaha goballada dawlad ayaa abaabushay isla markaana maamulkooda gacanta ku haysay, sida saxda ahina waxa ay ahayd in cidda wax ku darsanaysaa ay soo mariso wasaaradda / xidhiidhka / ama ciddii kale ee ciyaaraha maamulaysay oo hal mar ciddii abaalmarinno mutaysata oo dhan la siiyo wax ksata oo ay tahayba, kaddibna warku joogsado. Haddii kale wasaaraddu ciyaarta maamulkeedana ha ku wareejiso shirkadaha.

Waxa kale oo gef ku ah muwaadiniinta in qof hawl ama xirfad guul ka gaadhay lagu abaal mariyo wax ay waajib ahayd in muwaadiniinta oo dhami u sinnaadaan. Tusaale ahaan shaqada ay shirkadda ama dawladdu bixisaa waxa ay dhex u tahay muwaadiniinta oo dhan oo ay tahay in ay u tartamaan, wiilka kubadda cagta ciyaara, gabadha gurigooda joogta iyo cid kasta oo xirfadda shaqaadu u baahan tahay leh, markaas cadaalad darro ayey ila muuqataa in qof xirfad kale guul ka gaadhay lagu abaalmariyo iyada oo laga yaabo kuwo tartan hadday galaan ka sarrayn lahaa in ay buuxaan.

haddii kale marka hore shirkaduhu ha yidhaahdaan qofka xirfaddaas gala ayuun baanu shaqadaas siinaynaa, laga yaabaa in ay dad badani si ay shaqo u helaan geli lahaayeen ee.

 

WQ: Kamaal Axmed Cali

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker