Ha,adda Amnesty Oo soo Dhawaysay Xadhiga Wasiirka Amniga Jubbaland Loogu Gaystay Muqdisho.

Hay’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa war ka soo saartay xariga Magaalada Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan.

Hey’adda Amnesty International ayaa Xarigii Wasiir Janan ku tilmaamtay inuu yahay taallo muhiim ah,kaasi oo geystay xadgudubyo dhanka baniaadanimada oo ka dhacay Degmada Dowlow iyo deegaano kale oo ka tirsan ee Gobolka Gedo.

Sidoo kale Hey’adda xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan Maxkamad rayid ah la soo taago.

“Qabashada Cabdirashiid Janan waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka xadgudubyada halista ah ee xuquuqda aadanaha ee ay geysteen, shaqsiyaadka awoodda badan ee Soomaaliya, iyadoo aan lala xisaabtamin sanado badan”Sidaas waxaa yiri Agaasime Kuxigeenka Bariga iyo Geeska Afrila ee Hey’adda Amnesty International Mr Seif Magango.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ku xiray Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Cabdi Xasan Nuur Janan,xili uu kusii jeeday Addis Ababa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker