Shan xisbi siyaasadeed oo go’aanno xasaasi ah kasoo saaray doorashooyinka 2020 ee Dalka Somalia

Muqdisho (OWN) – War-Saxaafadeed ay maanta si wadajir ah u soo saareen shan ka mid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee dalka ka jira ayaa waxaa ay ku cadeeyeen mowqifkooda ku aadan nooca doorasho ay ka dhaceysa dalka markii uu waqtigooda dhamaado madaxda dowladda Soomaaliya.

Xisbiyada UPD, Ilays, NPP, Wadajir iyo NDP ayaa waxaa ay soo jeediyeen in nooca doorasho ee la filayo inay dalka ka dhacdo ay noqoto Hal qof iyo Hal cod oo ay balan qaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay sheegeen in Baarlamaanka Federaalka ee hadda jira uu waqtigiisa ku eg yahay 26 Bisha December ee sanadka 2020, isla markaana dowladda laga rabo inay dhameystirto oo la soo doorto xubnaha Golaha Shacabka iyo Wakiilada Dowlad goboleedyada oo ah Aqalka Sare.

Hoos ka aqriso warsaxaafadeedka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker