Hay.adda Lacagta Adduunka ee IMF oo sheegtay in Sannadka 2040 Laga Maarmi doono Isticmaalka Shidaalka

Hay’adda lacagta Adduunka ee IMF ayaa Khamiistii sheegtay in ay Baabi’in doonto Hodantinimada dalalka Khaliijka ee ku dhisan saliidda, 15-ka sano ee soo socda, haddii aysan sameyn is-beddelo misaaniyadeed.

 

Lixda dal ee la isku Yidhaahdo  Golaha Iskaashiga Khaliijka, ee kala ah Bahrain, Kuwait, Oman, Qatar, Saudi Arabia, iyo Imaaraadka Carabta, oo hodantinimadooda ay gaareyso laba trillion oo dollar, ayaa soo saara 20% shidaalka laga isticmaalo caalamka. Hase yeeshee waxaa dhaawacaya hoos u dhaca qiimaha shidaalka dunida.

 

 

IMF ayaa sheegtay in dalabka Dunida ee shidaalka uu dhammaan doono Sanadda 2040 ama ka hor, haddii ay sii socdaan dadaallada lagu bad-baadinayo deegaanka iyo isticmaalka tamarta aan ku dhisneyn Shidaalka.

“Dhammaan dalalka Khaliijka waxay garowsan yihiin caqabadaha ay wajahayaan, hase yeeshee xawaaraha ay ku sameynayaan is-beddelo ma xasilin doonto dakhligooda,” ayay tiri IMF.

 

 

Dalalka Khaliijka ayaa sanado badan waxay hodantinimadooda tamarta u adeegsanayeen inay mallaayiin ka mid ah muwaadiniintooda siiyaan shaqooyin dowladeed, iyo adeegyo bilaash ah.

 

Hase yeeshee, shaqooyin dowladeed oo lacag badan lagu bixiyo, ayada oo shaqaalaha aysan wax soo saar wanaagsaneyn, iyo shacabka oo sii kordhaya, ayaa sare u qaadi doonta qiimaha ku baxaya.

 

 

Dalalka Khaliijka ayaa dhowaanahan billaabay inay canshuur saaraan adeegyada iyo iibka walxaha qaarkood, si ay dakhli cusub usoo kordhiyaan, hase yeeshee taasi wax weyn kama tarin in miisaaniyadad dowladda ay hesho ilo-dhaqaale oo kala duwan.

 

 

IMF ayaa tusaale usoo qaadatay dalka Kuwait oo ay sheegtay in lixda sano ee soo socota ay miisaaniyadda dowladda ka dhinaan doonto 180 bilyan oo dollar, sababo la xiriira dakhliga kasoo galo shidaalka oo sii yaraanaya.

Sidoo kale miisaaniyadda dowladda Sacuudiga ayaa waxaa sanadkan ka dhinnaa 50 bilyan oo dollar, taasi oo ka badan tii sanadkii 2019 oo ahayd 35 bilyan.

IMF, waxay sheegtay in qiimaha shidaalka oo hoos usii dhacaya darteed, uu sii kordhi doono gaabka miisaaniyadda dalalka khaliijka.

eysa kulanka, ay sidoo kale ka qeyb-geli doonaan dalalka Imaaraadka Carabta, Sudan, Bahrain, iyo Oman.

Valueimpression Placeholder
Ilo-wareedyo Carab ah ayaa u sheegay Israel Hayom, in sidoo kale kulanka lagu casuumay boqorka Jordan Abdullah, balse uu doonayo in sidoo kale la casuumo hogaamiyaha Falastiiniyiinta Maxamuud Cabaas. Cabas ayaa muujiyey inaanu diyaar u ahayn inuu aqbalo caasuumaddaas.

Saudi Arabia iyo dalal dhowr ah oo ku yaalla Khaliijka ayaa sanadihii dhowaa billaabay inay xiriir hoose la yeeshaan Israel, taasi oo sare u qaaday walaaca laga qabo inay doonayaan xiriir rasmi ah oo ay la yeeshaan Israel, islamarkaana dhinaca isaga riixaan Falastiiniyiinta u dagaalamaya inay dal helaan.

Mohamed Bin Salman ayaa la rumeysan yahay inuu doonayo inuu cayaaro door la mid ah kii madaxweynihii hore ee Masar Anwar Sadat, oo uu noqdo hoggaamiyaha Carbeed ee ugu horreeya ee toos xiriir ula yeesha Israel.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker