Kumanaan shaqaalaha caafimaadka Ghana oo laga helay Korona

In ka badan 2,000 oo qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka dalka Ghana ayaa laga helay fayraska Korona , sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka ee dalkaasi.

Agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka Ghana Patrick Kuma-Aboagye ayaa sheegay in lix ka mid ah shaqaalaha uu ku dhacay xannuunka Covid19 ay u dhinteen.

Caasimadda Accra ayaa laga diwaangeliyay tirada ugu badan ee shaqaalaha caafimaadka ee uu ku dhacay fayraska Korona

Guud ahaan dalka Ghana ayaa laga diwaangeliyay 26,000 oo xaaladood oo korona ah iyadoo 130 qofna ay u dhinteen.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker