Dagaal Beeleed Laga Cabsi Qabo Inuu Ka Qarxo Magaalada Laascaanood

Laascaanood(OWN)-Wararka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa sheegaya in malayshiyaad hubaysan ay isku horfadhiyaan nawaaxiga garoonka diyaaradaha oo ku yaalla dhanka waqooyi ee magaalada Laascaanood.

Malayshiyaadkan hubaysan oo hab-beeleed u abaabulan ayaaa la sheegaya in ay isku’ haystaan dhul bogcado bannaan ah oo dhinac walba sheeganayo lahaanshihiisa halkaas oo ay maalmahan isu’ hub uruursanayeen.

 

Qaar kamid ah bulshada ku dhaqan Laascaanood ayaa soo sheegaya in laga cabsi qabo dagaal dhex mara labada malayshiya-beeleed isku horfadhiya aga’gaarka garoonka diyaaradaha kadib markii ay fashilmeen dadaallo lagu doonayey in lagu kala qaado.

 

Waxay sheegeen in haddii dagaal ka qarxo halkaas uu khatar gelin karo guud ahaan amniga garoonka iyo diyaaradaha ku soo degaya ee magaalada laascaanood.

 

Oodweynenews Sool

webmaster@Oodweynenews.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker