Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Soo Dhaweeyaay Go’aanka Golaha Wakiiladu Isku Saareen Labada Doorasho

Waxa aannu maanta gudbinnay warbixinaha kala ah:
1. Warbixintii Shirweynihii ugu danbeeyay ee Xisbiga Waddani.
2. Warbixinta xubnaha Golaha Dhexe.
3. Warbixinta xubnaha Fulinta.
4. Warbixinta xafiisyada xisbiga.
Dhammaan warbixinahan oo ay la socdeen, goobjoogna ka ahayeen guddigii hore, isla markaana aannu hore ugu gudbinnay ayay na soo waydiiyeen Guddida diwaangelinta ee cusub.
Xisbiyada Qaranku waa xisbiyo qaran, mana jirto meel sharcigu ku sheegay in looga baahan yahay in la diwaangeliyo, Doorashada Madaxtooyada ayaana ah ta ugu soo horraysa doorashooyinka, waanan u diyaargarownay, xisbi ahaan.
Xisbiga Waddani wuxu soo dhaweynayaa soojeedintii ganacsatada ee maanta Baarlamaanku ansixiyay (Xeerarka Doorashooyinka ee maanta la ansixiyay ee ah in labada doorasho ka isa saaro).
Mar walba, waxa aannu diyaar u nahay in aannu dhawrno wixii umaddu ku heshiiso ee la isku raaco, ilaalinno na hannaanka doorashooyinka iyo dimuquraadiyadda.
Sharciga ayaa inoo ballan ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker