Ugu yaraan 20 Carruur Ah Oo Ku Dhintay Dad Iskuul Ku Yaala Dalka Niger.

Ugu yaraan 20 carruur ah oo ka dhashay qooysas danyar ah ayaa geeriyooday, kaddib markii uu dab qabsaday Iskuul xanaanada iyo barbaarinta ah oo ay dhiganayeen, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dowladda wadanka Niger.

Xubin ka tirsan ururka macallimiinta Niger ayaa sheegay in Iskuulkan oo fasalladiisu ahaayeen cariishyo oo ku yaal xaafadda caanka ah ee Pays Bas ee caasimadda Niamey ay dhiganayeen ku dhawaad 800 oo arday ah oo ay ku jiraan carruur ku jirta qeybta barbaarinta carruurta.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker