“Masar iyo Itoobiya meesha labadooduba ay isha ku hayaan waa Somaliland …” Xildhibaan Qabile

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ahna macalin taariikheed kana mida mudanayaasha golaha wakiillada Somaliland, oo aanu wax ka weydiinay ka  waxaa uu noqonayo mustaqbalka Geeska ayaa odorosay islamarkaana saadaal ka bixiyay mustaqbalka siyaasadeed ee Geeska Afrika ku soo wajaahan iyo dhaq-dhaqaaqyada kala duwan ee geeska Afrika iyo Bariga dhexe ka socda.

Sido kale waxaa uu ka hadlay isbaddelka caalamiga ah ee dunida ka socda sida uu saameyn ugu yeelan karo Somaliland, marka la eego Bugcada  ay ku taalo, hirdanka dalalka geeska ka dhaxeeya, muranka Masar iyo Itoobiya, xaalada siyaasadeed ee ka dhex taagan Itoobiya gudaheeda.

 

Waxaa kale oo uu xildhibaanku iftiimiyay iskaashiga Israa’il iyo Carabta oo hadii uu sii xoogeysto sababi kara muran siyaasadeed, mid dhaqaale iyo mid milateri oo dalalka Khaliijka iyo Iiraan ka dhex qarxa, oo isna saameyn ku yeelan kara dalalka Geeska Afrika ee Somaliland kow ka tahay, xildhibaanku saadaashiisa marna kuma darin talaabo Somaliland qaadanayso oo la jaanqaadaysa isbaddelada ka socda Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika.

Waxaa kale oo uu tilmaamay Geeska Afrika oo ah Bugcad gubanaysa Somaliland hadii aanay iska moosin dabkaasi in uu soo gaadhi karo.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ahna macalin taariikheed  isaga oo arrimahaasi si faahfaansan uga hadlaya waxaa uu yidhi. “Culimada Geo-politecs (Juquraafi ahaan) waxaa ay yidhaahaan hadii uu dhulku noqon-laha Qalfoofkii bini’aadmiga macdanta iyo waxaa ku hoos jiraana waxaa ay noqon lahaayeen hilibkii, marka labadaasi sidaasi yihiin, maduxuna waxaa uu noqon lahaa maskaxda hoggaaminaysa ee saddexda isku lisi karta, in ay isku meel mariso siyaasiyan, bulsho ahaan, iyo siyaasad ahaan, iyo dhaqaale ahaan, saddexdaasi ayay ka kooban tahay .

Geeska Afrikii waa gobol ku yaala Bugcad istaaraatiijiyad ah, islamarkaana geed weyn u noqon karta Afrika inteeda kale, xaggan waxaa ka kulaalaya waddamadii Bariga Dhexe, oo saameyn togan ku leh dhaqaalaha iyo siyaasada Geeska Afrika, oo aad moodo sannadahan danbe in ay soo kordhayso.

Waxaa iyana dhinaca kale ka taagan Iran oo iyaduna doonaysa in biyaha Bada Cas, saameyn  ku yeelato, waddamada Carbeed iyo dawladda Israa’il oo iskaashigii ugu horeeyay aad moodo sannadahan ugu danbeeyay in ay samaynayeen iyaduna waa arrin taagan, dawladaha waa weynina sidaasi si le’eg ayay saameyn ugu leeyihiin, gaar ahaan Turkiga oo aad moodo in cadaawad balaadhini ay ka dhaxeyso Yurub inteeda kale, waxaa uu isna rabba in uu saldhigyo ku yeesho goobtaasi, Masar iyo Itoobiya oo iyaguna isku haya biyihii wabiga Niil, Itoobiya lafteeda oo Qoomiyadihiii ay ka koobneyd ee Faderalka ahaa qaar kood aanay raali ku aheyn nidaamka maanta Itoobiya ka jira, arrinta Masar ka dhaxaysaana waa mid soo jirtay balse hadda aad moodo in ay indhaha ku hayaan”

Sido kale waxaa uu ka hadlay isbaddelka caalamiga ah ee dunida ka socda sida uu saameyn ugu yeelan karo Somaliland, marka la eego Bugcada  ay ku taalo, hirdanka dalalka geeska ka dhaxeeya, muranka Masar iyo Itoobiya, xaalada siyaasadeed ee ka dhex taagan Itoobiya gudaheeda.

“Masar iyo Itoobiya meesha labadooduba ay isha ku hayaan waa Somaliland oo aan weli aqoonsi caalamiya ka helin beesha caalamka  muddada 28-ka sannadood, waxaan qabba meesha ugu Istaraatiijisan ee maanta marinka u ahi waa Somaliland, siday doontaba haw dhacde haday noqoto mid dhaqaale, mid istaraatiijiyadeed, mid siyaasadeed ha noqote hirdan aad u xoogan ayaa ka jira.

Dhawaanahan waxaa is gaashan buuraysanayay dawladdaha Eritariya, Itoobiya iyo Soomaaliya oo iyaduna waxooga ka yara fog, oo midkastaba degennaansho la’aantu gudaheeda jiro, oo aanay deganaani jirin, waxaa la isu gaashan buuraysanayaana lafteedu maaha xeedh yar, istaraajiyada Geeska Afrika halka ay dhacdo Somaliland waa meeshi ugu mihiimsaneyd Geeska Afrika, Milateri ahaan, siyaasad ahaan, iyo dhaqaale ahaan saddexdiiba”.

 

Xildhibaan Qabile waxaa uu tilmaamay in Geeska Afriki ay tahay Bugcad gubanaysa, loona baahan yahay in la helo maskax furan oo ka badbaadisa khatarta ku soo fool leh, hadii taas la waayana waxaa uu saadaashiisa ku sheegay in  Geeska Afrikii burbur iyo qax ku danbeyn doonto.“Geeska Afrika markaan isku soo wada duubo waa Bugcad gubaneysa, waxaan qabba dilaac yar oo meel ka dhacaa inuu tabanayo meelo kale, arrinkaasina waxaa aan qabba hadii aan ILLAAHEY faraj kale keenin, deganaanshiyo la’aantaasi waxaa uu isku baddeli kara inuu karo, hadii uu karana waxaa ka imanaya waala garanayaa, hadii madanuhu cadaadana waxaa hadhay waa sumad, hadii karniinkaasi dhacana waxa dhici kara waa dagaalo iyo iska hor imaad, hadii aan la helin nidaam iyo maskax dejisa, marka waxaan qabba Geo-politecs-ka Geeska Afrika waxaa uu u baahan yahay maskax degan, isbaddel hadii aanu dhicin Geeska Afrika imika waxaad mooda in ay ku jiraan geedi u horseedaya khatar”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker