Xukuumadda Biixi Oo Kar-karrinaysay Shirqoollo Ka Dhan Ah Mucaaradka Iyo Mudaharaadayaasha

Xukuumadda Biixi Oo Kar-karrinaysay Shirqoollo Ka Dhan Ah Mucaaradka Iyo Mudaharaadayaasha & Xoggo Lagga Hellay
Kullan Laggu Malleegayey Shirqoolkan Qaaxaysan Oo Ay Yeesheen Wasiiradda Idman

Shaxda barruuda + shirkii maanta + sharkii koore iyo shirqoolka

Warar xog-oggaal ah ayaa noo xaqiijiyey in qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Xukukuumadda uu wakhtigeedii sii dhammaanayo ee Madaxweyne Biixi, ay shalay kullan ku yeesheen Wasaaradadda Warfaafinta, halkaas oo ay ku kar-karriyeen shir qoolo kala duwan oo halis ah oo ay la beegsanayaan Masuuliyiinta Xisbiyadda Mucaaradka iyo Taageerayaashooda maalinta khamiista ah oo uu dalka ka bilaabmayo Mudaharaadka salmiga ahi.

Kullankan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cabasho ay Madaxweyne Biixi iyo Taliyayaasha Ciidanka qaarkood ay ka muujiyeen warbaahinta kala duwan ee Maddaxa-bannaan iyo Baraha Bulshada, taas oo ay dhibsadeen wararka ka dhanka ah ee laggu faafinayo. Isla markaana ay garwaaqsadeen in lagaga adkaatay oo ay duufaanta mucaaradka ee war-baahintu ay tahay mid xoog baddan oo aan la looddin karrin.

Kullankan laggu malleegayey shirqooladdan iyo Wanjalkan qaaxaysan ayaa waxa ka qayb-gallay siday xoggu noo xaqiijeen Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo xubno kale,waxaanay noo xaqiijiyeen goob-joogayaal ka qayb-gallay shirkaas oo ka gaabsaday in magac-yadooda la xuso in si weyn loogga wadda haddlay sidii Mudaharaadka salmiga ah ee ay abbaabulayaan Mucaaradku loo car-qaladayn lahaa, waxaana la isla qaatay in shaqaalaha Dawladda qaarkood iyo kooxo kale laggu darro inay ka qayb-gallaan Mudaharaadka, isla markaana ay rebshado sameeyeen iyo in la sameeyo kooxo gaar ah oo duubaya muuqaalada muujinaya ficilada foosha xun ee la qorsheeyey ee ay ku kacayaan kooxahaas ay Xukuumadda qorshaynayso inay ku dhex darsato dadka mudaharaadaya, kaddib-na la baahiyo oo laggu sumcad dillo taageerayaasha Xisbiyadda mucaaradka ee Mudaharaadka salmiga ah samaynaya si bulshada looggu tuso inay yihiin dad fidmo-wadayaal ah oo ficiladaas liita ku kacaya.

Sidoo kalena goob-joogayaasha ayaa noo xaqiijiyey in kullankan ay shalay yeesheen qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiiradda laggu qorsheeyey wanjalaado kale oo qaaxaysan,kuwaas ay kamid yihiin in la sameeyo dacaayaddo ka dhan ah Xisbiyadda mucaaradka oo dhinaca war-baahinta ah, isla markaana run iyo been wixii laggu kasban karo shacabka la sameeyo iyo weliba qorshe dhaggaraysan oo kale, kaas oo ah in kooxaha ay abbaabushay Xukuumaddu inay si gaar ah u beegsadaan masuuliyiinta Mucaaradka gaar ahaana madax-da sar sare ee labada Xisbi Mucaarad iyo Xildhibaannada Golaha Wakiillada qaarkood .

Waxa kale oo ay xoggaha aanu helnay ay sheegeen in qorshayaasha qaaxaysan ee ay shallay isla meel dhiggeen wasiiiradda idman ee Xukuumadda Madaxweyne Biixi inay kamid yihiin in kooxaha ay abbaabushay Xukuumaddu ay qorshaha ugu jirto inay beegsadaan Ciidanka Booliska, isla markaana ay wax-yeelleeyaan si bulshada loo tuso in mudaharaadayaashu mucaaradku ay yihiin qaar Booliska iyagu wax-yeelaya oo rebesh walayaal ah, waana wanjal qaaxaysan oo la doonnayo in laggu beegsaddo sumcada iyo karraamada Xisbiyadda Mucaaradka iyo taageerayaashooda-ba ,waxaana loogga dan leeyahay tallabadan in kalsoonida shacab weynaha reer Somaliland ee ay haystaan Xisbiyadda Mucaaradku laggu wiiqo.

Si kastaba ha-ahaatee Wasiir koore ayaa sida uu qorshuhu u ahaa waxa uu maanta oo salaasa ah uu kullan layeeshay kooxo lagga soo ururriyey wasaaraddaha, kuwaas laggu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda war-faafinta inay yihiin waax-yaha war-baahinta u qaabilsan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Xukuumadda Biixi,hase-yeesha xogga aanu ka helnay kullankan ayaa noo sheegay in la farray koox-dan maanta ama laggala hadlay laba qoddob oo uu kamid yahay inay difaacaan Xukuumadda oo ay baraha bulshada iyo boggaga wasaaraddaha ka difaacaan iyo qoddobka labaad oo ah mid laggaga dhaadhiciyey qorshaha qaaxaysan ee mudaharaadka mucaaradka ay qabanayaa khamiista laggu qaabilayo,waxana xusid muddan in kooxdan looggu tallogallay inay dhanka war-baahinta qaabilsanaddaan maalintaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker