“Mar Dambe Dhici Mayso In Hal Reer La Isugu Tago”. Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka JSL

Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka JSL Oo Warbaahinta Kala Hadlay Caasimadda Dalka Ee Hargeysa, Ayaa Si Weyn Uga Hadlay Murannadda Iyo khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan Wakhti Xaadirkan.
Madax-da Dhaqanka Ee Dalka, Ayaa Meel Adag Iska Taagay Xaaladda Adag Ee Uu Dalku Cagaha La Galay Xiligan, Iyagoo Madaxweyne Biixi Ku Eeddeeyey Lahaanshaha Masuuliyadda Dhibaatadda Ka Dhalata khilaafka Siyaasaddeed Ee Dalka Ka Taagan, Iyagoo Ugu Baaqay Muuse Biixi Cabdi Inuu Doorashaddii Madaxtooyadda Ee JSL Wakhtigeeddii Ku Qabto, Waxaana Ay Yidhaahdeen “Madaxweynuhu Waa Inuu Doorashaddii Madaxtooyadda Wakhtigeeddii Ku Qabtaa”.
Madax-da Dhaqanka Ee Dalka, Ayaa Sheegay In Aanay JSL Mar Dambe Ka Dhici Doonin In La Isugu Beel Kaliya, Siddii Ka Dhacday Sannadkii 1994-kii, Waxaanay Yidhaahdeen “JSL Mar Dambe Ka Dhici Mayso In Hal Reer La Isugu Tago”.
Madax-da Dhaqanka Ee Dalka, Ayaa Sheegay Inay Taageersan Yihiin Muddaharaad-yadda Isbahaysiga Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee WADDANI Iyo UCID Ku Dhawaaqeen, Waxaanay Yidhaahdeen “Muddaharaad-yaddunna Waa Sharci Dastuuriya Oo Shacabku Xaq U Leeyihiin, Waannay Dhacayaan” Qaar Ka Mid Ah Madax-dhaqmeedka Dalka.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker