Madaxweyne Biixi Iyo Hoggaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan Gondaha Is Daray, Waddani Oo Dalbaday In Guddiga Doorashada La Kala Diro Iyo Mawqifka Madaxtooyada

Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi iyo hoggaanka xisbiga Waddani ayaa shalay kulan gondaha is daray, waxaana kulanka loogu sii gogol xaadhayay kulan maanta dhex maraya saddexda xisbi qaran oo uu Madaxweyne Biixi goob-joog ahaan doono oo lagaga tashan doono arrimaha doorashooyinka Baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka oo la qorsheeyay inay qabsoomaan March 2019.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada iyo xisbiga Waddani ka soo saareen kulankan shalay madaxtooyada ka qabsoomay, laakiin warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in kulanka oo uu Madaxweyne Biixi dalbaday ujeedadiisu ahayd in loo sii gogol xaadho kulanka maanta ee saddexda xisbi si uu kulanka maantu u noqdo mid degen.

Warku wuxuu sheegay in xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ay Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiintii kale ee weheliyay u bandhigeen mawqifka xisbiga Waddani ee ku saabsan guddiga doorashooyinka oo uu Waddani bishii March sheegay inuu kalsoonidii kala noqday, waxaanay madaxda Waddani si cad ugu sheegeen Madaxweyne Biixi iyo masuuliyiin kale oo kulanka ku weheliyay inaanay ka qayb galayn doorasho ay guddiga doorashada ee wakhtigani masuul ka yihiin, waxaanu Waddani soo jeediyay in si deg deg ah loo kala diro xubnaha guddiga doorashada.

Laakiin xubnihii Madaxweyne Biixi kulanka ku weheliyay gaar ahaan Madaxweyne-xigeen Saylici ayaa sheegay inay adagtahay in guddiga doorashada wakhtigan la kala diro, isagoo soo bandhigay dhawr qodob oo uu sheegay inaanay suurtogal ka dhigayn in guddida doorashooyinka wakhtigan la kala diro.

Waxaanu sida warku sheegay uu qodobkan ku saabsan kala dirista guddiga doorashooyinku u muuqday mid ay aragti ahaan aad ugu kala fogyihiin Madaxweyne Biixi iyo xubnihii dhinaciisa weheliyay iyo hoggaanka xisbiga Waddani.

Waxa loo balamay in maanta ay saddexda xisbi ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID isugu yimaadaan shir lagaga tashanayo arrimahan, kaas oo uu Madaxweyne Biixina goob-joog ahaan doono.

Sida warkan uu Geeska Afrika sheegay Madaxweyne Biixi waxa dhinaciisa weheliyay

Madaxweyne-xigeen Saylici
Wasiirka waxbarashada Yaasiin Faratoon
Guddoomiye-xigeenka 2aad ee KULMIYE Axmed Cabdi-dheere
Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE
Wasiirka Xanaanada xoolaha iyo kalluumaysiga Xasan Gaafaadhi
Dhinaca xisbiga Waddani waxa hoggaaminayay guddoomiye Cabdiraxmaan-Cirro, waxaana weheliyay

Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde
Hoggaamiyaha xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan
Guddoomiye-xigeenka 1aad ee xisbiga Waddani Cabdirisaaq Khaliif

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker