Mareykanka oo war kasoo saaray howlgalka militeriga Shiinaha ee Taiwan

Dowladda Mareykanka ayaa ka hadashay dhoollatuska iyo dabridka militeriga Shiinaha uu maalintii labaad ka wado meelo u dhow jasiiradda Taiwan.

“Ficilka militeri ee Shiinaha waa mid aad u wayn, saamayn leh, si aan marmarsiiyo lahaynna u sii kicinaya xasarad,” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken.

“Ma jiro wax lagu salayn karo ficillada ay sameeyeen,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Blinken oo ka hadlayay shirka dalalka Aasiya.

Shiinaha ayaa arrintan uga jawaabay booqasho ay Taiwan dhawaan ku tagtay Afhayeenka Golaha Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi. Booqashadaas oo ay xukuumadda Beijing ka digaysay in muddo ah ayaa horseedday howgallada militeri ee sida wayn khalkhalka u geliyay Taiwan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker