Safiirka Ingiriiska oo ka hadlay kulan kii uu shalay la yeeshay Madaxweyne Dani

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Mike Nithavrianakis oo shalay booqasho ku tagay magaalada Garoowe ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani iyo xubno ka tirsan xukuumaddiisa.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweyne Dani uu kala hadlay sidii loo heli lahaa is af garad ku aadan qaabka iyo waqtiga doorashada Puntland.

Waxan ku heshiinay in loo baahan yahay wadahadal degdeg ah oo lala yeesho dhammaan siyaasiyiinta muhimka ah iyo saamileyda siyaasadda ayuu yiri safiirka ingiriiska ee Soomaaliya.

Safiir Mike waxa kaloo uu bartiisa X ku sheegay in Dani iyo isagu isla garteen in laga fogaado wax kasta oo xasilooni darro abuuri kara.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker