Taiwan: Maxaan ka dheefi karnaa xidhiidhkeeda?

Wadanka China ka dib guushii shuuciyiinta 1949, waxa qaxay dawladii Republic of China ROC “koumintag/Chinese Nationalist party) la odhan jirey ee jabtay madaxdeedii, 2 million ciidankeedii(oo ku sheegay dib u gurasho”great retreat”), & shacab badan qaxooti ah kaas oo u guurey Taiwan.
Waxa aasaasantay jamhuuriyada China ROC/Taiwan, taas oo dunidu u aqoonsatay inay dalweynaha China ha matesho. Ilaa 1971 ay China ha shuuciga ahayd (main land/PRC) kale wareegeen kursigii iyana bilaa aqoonsi ku dhacday sheegashadeediina isku rogtay iyada in la sheegto oo gobol ka maqan dhulweynaha intiisa kale ay thy.
Dunidu ma aqoonsana lkn si dadban ayey ula macaamishaa, wadanaduna dawlada shiinaha ayey uga baqaan inay xidhiidh Diplomacy oo toos ah iyo aqoonsi siiyaan, lkn waxay kamid thy 21 dhaqaale ee dunida ugu weyn, wadanada ugu dakhliga sareeya ($55,000 per Capita income), wadan waxbarashada, caafimaadka, warshadaha horumar weyn ka gaadhay, laguna majeerto dawlad wanaag, dimuqraadiyad iyo xornimo balaadhan.
MAXAYNU KA BARAN KARNAA?
waxa aynu ka baran karnaa isku tashiga, kalsoonida, go’aan adeyga iyo horumarka dedaalka isku tiirsanida ku dhisan.
(Inaksta oo ay ka jiraan laba koox siyaasadeed oo qolona u ololeyso dib ula midowga shiinaha weyn qolana gooni u jooga iyo xornimo, lkn si ilbaxnimo ah ayey ku wada noolyohin). Hada xisbiga taliyaa waa qolyaha gooni isutaag doonka ah.
MAXAYNU KA FAA’IDI KARNAA?
(Walow ay kala fogaadaan China cida aad ay iskugu dhawaadaan Taiwan uuna colaadiyo, quwada 2aad na uu yhy dhaqaale ahaan, siyaasada xisbiga shuuciga ah ee shiine na ay thy mid ku dhisan mideynta dhamaan dhulalka umada shiinaha, iyaga oo hore usoo xero-galiyey jaziiradaha Hong Kong & maccow imikana kaliya raajicinaya Taiwan).
Hadana fursado badan ayaa inoogu jira hadaynu calool adeyg waa Alle wehelkii eh ku mitidno xidhiidh midho dhal ah sida:
▪︎Inay thy dawlad horumarsan inagana caawin karta dhanka waxbarashada, caafimaadka, maalgashiga iwm taas oo u baahan saxibo caalami ah, waxbadana laga heli karo oo gacan ah.
Sacad Muuse Cumar “Sacad-Makaawi”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker