Solskjaer Iyo Guardiola Oo Shaqada Laga Caydhinayo, United Iyo City Oo U Kala Dheeraynaya Pochettino Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey

Mauricio Pochettino ayaa laga doonayaa labada garoon ee ku yaalla magaalada Manchester ee Old Trafford ee Etihad Stadium.

Manchester United ayaa xidhiidh la samaysay Mauricio Pochettino toddobaadkii hore markii ay Tottenham sida xun ugu bahdishay Old Traffrord,

sidoo kalen aay dhibaato ka muteen Brighton oo waqtigii dheeraadka ahaa uu VAR siiyey goolka guusha, halka Crystal Palace ay iyaduna karbaash ku dhufatay.

Saddexda ciyaarood ee labana laga badiyey, midna ay guusha dirqiga ah heleen, waxaanay natiijooyinkaasi soo dedejinayaan cimriga Ole Gunnar Solkjsaer ee Manchester United.

Laakiin Manchester City oo iyaduna ku dhibaatootay labadii ciyaarood ee ugu dambeeyey ayaa doonaysa tababare Mauricio Pochettino si ay ugu beddelaan Pep Gu

ardiola oo isagana uu saaran yahay culays.

City oo heshiis waqtiga looga kordhinayo Pep Guardiola uu ka fashilmay xagaagii dhowaa ayaa waxay doonaysaa inay Manchester United ka hor qaaddo Pochettino oo aan wax shaqo ah qabanin tan iyo markii uu ka tegay Tottenham bishii November ee sannadkii hore.

Sida uu qoray wargeyska Daily Mirror, dagaal culus ayay labada kooxood ku wada jiraan, waxaanay kala riixanayaan Mauricio Pochettino oo mid waliba ay doonayso inay uga horreyso tan kale,

laakiin waxa tallaabada ku horreysay United oo qorshaheedu yahay in aanay waqtiga iska lumin oo ay toddobaadyada soo socda shaqada ka caydhiyaan Ole Gunnar Solskjaer haddii ay kooxdu isbeddel fiican samayn weydo.

Ed Woodward oo ah Guddoomiye ku-xigeenka United, ayaa la sheegay inuu gaadhay go’aanka shaqada lagaga caydhinayo Solskjaer, waxaana xubnaha sare ee maamulka ay ku kala aragti duwan yihiin go’aankan, kuwaas oo doonaya in wali fursad la siiyo macallinka reer Norway,

halka uu Ed Woodward ku doodayo in waqtigu ka lumayo kooxda oo haddii aan tallaabo degdeg ah la qaadin ay United gaadhi doonto meel aanay waxba ku tartami karin xili ciyaareedkan.

Midda kale ee la sheegayo inay muhiimka ugu tahay United inay magacowdo Mauricio Pochettino ayaa ah inuu qanciyo ciyaartoyda heshiisyada cusub diiddan gaar ahaan Paul Pogba oo wax sannad ka yari ka hadhsan yahay heshiiskiisa Old Trafford.

Si kastaba, natiijooyinka ay la yimaaddaan Manchester United iyo Manchester City kulamadooda soo socda ee horyaalka Premier League iyo Champions League ayaa waxay soo dedejin karaan in Mauricio Pochettino uu si degdeg ah ugu soo laabto shaqada.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker