Faransiiska oo carruur iyo hooyooyin kasoo daadgureeyay xeryo ku yaalla Suuriya

Faransiiska ayaa soo daadgureeyay soddon iyo shan carruur ah oo Faransiis ah iyo lix iyo toban hooyooyin kuwaas oo ku noolaa xeryaha qaxootiga ee waqooyi bari Suuriya.

Carruurta ayaa dhamaantood la marsiin doona baaritaanno caafimaad, waxaana hooyooyinka lagu wareejin doonaa hay’adaha garsoorka ee dalkaas.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dadka ay ku noolaayeen xaalad aad looga naxo oo ka jirta xeryaha ay dadkaas ku sugnaayeen.

Bishii Disembar ee lasoo dhaafay haweeney u dhalatay dalka Faransiiska ayaa geeriyootay, taas oo qabtay cudurka macaanka.

In ka badan boqol iyo lixdan carruur ah iyo lixdan hooyooyin ah ayaa weli ku jiraa xeryo ay maamulaan xoogagga Kurdiyiinta ee waqooyi bari Suuriya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker