Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Oo Ka Hadlay Cashuurta Ay Ku Soo Rogeen Warbaahinta Madaxa-banaan

Hargeysa(OWN)- Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa Warbaahinta dalka ku boorriyey inay raacaan xeerarka dalka u yaalla isla markaana iska bixiyaan cashuuraha ku waajibay ganacsigooda. Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed ay faafisay maanta Wakaallada Wararka Somaliland ee SOLNA, oo uu ku saxeexnaa Wasiirka Warfaafintu, waxaanu u   qornaa sidan:-

“Waxa maalmahan aad loo hadal hayey wax ka bedelka tacriifadda Warbaahinta ku waajibtay oo Saxaafadda iyo siyaasiyiinta qaarkood si gurracan u sifeeyeen, iyagoo bulshada uga dhigay culays Xukuumaddu saarayso Warbaahinta.

Haddaba, iyada oo Wasaaradda Warfaafintu ka duulaysa muhiimadda ay qaranka u leedahay saxaafaddu waxay u caddeynaysaa bulshada Somaliland in aanay haba yaratee jirin culays ay xukuumadu saarayso hay’daha Warbaahinta, balse ay waajib tahay in Warbaahintu noqoto cashuur bixiye rasmiya oo la mid ah ganacsatada iyo muwaadiniinta  kala duwan ee cashuur bixiyayaasha ah.

Waxaynu og nahay in warbaahintu ka mid tahay hay’daha ganacsi iyo wax soosaar ee dalka, sidaa darteed, waxa la gaadhay xilligii ay u hagar bixi lahayd bixinta cashuuraha ku waajibay, maadaama oo 27kii sanno ee la soo dhaafay aanay warbaahintu wax cashuura bixin.

Warbaahinta kala duwan ee dalka, waxaa looga baahan yahay inay aamminsanaato in bixinta cashuuruhu yihiin waajib dastuuri ah oo saaran muwaadin kasta derajo kasta oo uu leeyahay iyo shaqo kasta oo uu hayaba,  waxa habboon in aanay Saxaafadda dalku iska dhigin qaar ka hooseeya jeeb ahaan ganacstada yar-yar iyo wadhatada  ka xoogsata suuqyada magaalooyinka dalka oo si hagar la’aan ah qarankooda ugu hura cashuuraha ku waajibay, iyadoo   qaarkood ay masaariiftooda kala soo baxaan ganacsi  aad uga yar lacagta  ay Warbaahintu ka qaado dadka ay u baahinayaan  wararka, barnaamijyada iyo  xayeysiiska hal mar baxaya.

Waxa, haddaba, la gaadhay  xilligii ay Saxaafadda dalku dareemi lahayd in cashuuruhu yihiin mishiinka lagu wado adeegyada bulshada iyo sugidda xuduudaha dalka, isla markaana ay hormuud ka noqdaan  u hagar-baxa cashuuraha ku waajibay ganacsigooda.

Si kastaba ha ahaatee, tacriifada cashuureed ee Warbaahinta ku waajibtay ee ku jirta miisaaniyad sannadeedka qaranka 2019ka, waxay noqonaysaa lacagta diwaangelinta (Registration Fee) ee Hay’adaha Warbaahinta  cusub ee dalka laga furayo oo hal mar laga qaadi doono iyo cashuurta liisanka sannadlaha ah ee ganacsiga.

Sidaa awgeed, waxaan  mulkiilayaasha warbaahinta ku boorrinayaa in ay noqdaan cashuur bixiye wanaagsan oo qaranka wax ku leh, una hoggaansan nidaamka iyo qawaaniinta  dalka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker