๐— ๐˜‚๐—น๐—ธ๐—ถ๐—ถ๐—น๐—ฎ๐—ต๐—ฎ ๐—”๐˜€๐—น๐—ถ ๐— ๐—ฎ๐˜†๐—ฑ๐—ถ ๐— ๐˜‚๐˜…๐˜‚๐˜‚ ๐—ž๐—ฎ ๐—ฌ๐—ถ๐—ฑ๐—ต๐—ถ ๐—ž๐˜‚๐—ณ๐˜€๐—ถ๐—ด๐—ฎ ๐—Ÿ๐—ฎ๐—ด๐˜‚ ๐—˜๐—ฒ๐—ฑ๐—ฒ๐—ฒ๐˜†๐—ฎ๐˜† ?

“Anigo ah barkhad jibril hassan waxan halkan ka Sheegaya barnaamijka been abuurka ah ee telefivion ka voice news so daysay.
14/3/2022 waxa wadanka so gaadhay koox ajaanib ah oo calooshooda u shaqaystayaal ah kana socda telefivionka voice news,dadkaas waxa rusqada ay wadanka ku yimaadeen siiyay wasaarada degaanka,waxa askar ilaalisa siisay wasarada arimaha gudaha,waxa goobaha barnaamijka lagu sameeyey geyntooda iyo amaankooda iyo ururinta dadka loo adeegsaday u fududeeyey gudoomiyaha gobolka sanaag,markii ay barnaamijka so sameeyen ee kuso laabteen hargeisa way ilaso xidhiidhen waxan si lama filaan ah ugu kulanay hotelka maansoor waxay i sheegen inay waraysi iga doonayan wan ka aqbalay marku waraysigu bilaabmay waxan ogaadey in arinkani yahay arin abaabulan,anigo ku dhex jira waraysiga waxa goobti timi wasarada gamacsiga oo ciidan wadata waraysigiina way joojisay ana goobtii wan ka imi waxan la hadlay warbaahinta waxan ka sheegay waxan la kulmay,inta ka bacdi waxa hadashay wasaarkii wasaarada degaanka,waxay sheegtay in dadkani yihiin xeeldheerayaal dhirta ah ayna ruqsada yadu siisay,dadkaasina ay cilmi baadhis ku samaynayaan heerkulka geedka beeyada,dadkanina aanay ahayn dad duulan kuso qaaday barkhad jibril iyo ganacsigiisi arinkaasina aanu jirin.
Waxan dacwad u gudbinay,laamaha amniga waxanu u sheegnay arinka jira iyo duulaanka shisheeye ee anoo wadankaygii jooga layguso duulay.
Laamihii amniga aanu dacwada u gudbinay oo uu ugu horeeyo wasiirka wasaarada arimaha gudaha faraha ayay ka laabteen kiisina waxba kamay qaban, ajaanibkii oo dawladeenu gacan siinaysana waxay si nabad ah uga anbabaxeen wadanka.
Waxan furanay maxkamad dacwad ka dhan ah wasiirka wasaarada degaanka jamuuriyada somaliland waxanu dacwadayada ku salaynay in wasaarada degaanku iyo wasiirkeedu ay ruqsad so siiyeen wadankana keenen ajinebi dagaal iyo dulaan ku wada gamacsigayga,u jeedka aanu isku haynana yahay ajaanibka qiimaha badeecada beeyada oo waagi hore ay ku qaadan jirin qiime raqiis qiimahana aanu anagu ka diidnay inanu wax ku iibino intaas ka bacdina ay dad ajaanib ahi so abaabuleen duulaan,adeegsadeena xukumadeena oo xukumadu kula shaqaysay ajaanibka siday u fidin lahaayeen been abuur iyo wax aan jirin maxkamadii wax najiito ah kama hayno kiiskayagiina lama furin halkiina lagama qaadin.
Dadkii ajaanibka ahaa iyo anigu waxanu maxkamad ka wada galnay wadanka british,waxayna iguso eedeeyeen afar qodob.
1.musuqmaasuq
2.argagixiso
3.mashaaric lunsi
4.kufsi
Qodobada ay iguso eedeeyeen,waxay sumcad xumo ku yihiin somaliland sida nin aragagixiso ah wax kufsaday oo wax musuqmaasuqay hargeisa u dhex jooga?
Taasi waxay la micno tahay somaliland dawladi kama jirto!
Waxa nasiib darro ah in madaxdii qaranka iyo hogaankii wadanku,ay jirintaankii wadanka ay ka masuulka yihiin wax u dhimayaan ficilada ay qaadayaan ee is leeyihiin ku wax yeeleya qof muwaadin ahna uu wax u dhimayo qaranimadeeni ay yagu hogaanka u ahaayeen.
Qodobada ay iguso eedeeyen oo dhan oo aan waxba ka jirin waxay u waayeen wax cadayn ah waxayna,maxkamadu so idlaandoonta wiiga so socda najiitada kaso baxdana bulshada wan laso socodsiin doona insha allah.
Muwaadininta dalkan u dhashay dalka iyaga leh wayna lahaan doonan xukumada maanta jirtana,waa xukumada caynkaas ah dadka dalkan ku dhaqan xukumadii somalia ee la riday waxay uso adeegsadeen duliyayaal ajaanib ah oo hargeisa duqaynayey,waxay ila egtahay in maanta aan halkii marayno arimuhuna isu egyihiin,maalmuhuna maalmihii oo kale yihiin.
F.G. waxkasta oo cadayn ah,oo ku saabsan arinkan anagu wanu hayna weliba anagoo isku kalsoon”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker