Madaxweynihii Hore ee South Africa Oo Lagu Xukumay 15 bil oo xabsi ah

Maxkamada ugu sarreysa dalka South Africa ayaa madaxweynihii hore ee dalkaas Jacob Zuma ku xukuntay 15 bil oo xabsi ah, kaddib markii ay ku heshay dambi ah inuu ixtiraam darro ku sameeyay amar ka soo baxay maxkamadda oo ahaa inuu horyimaado, si loo dhageysto eedeymo loo heysto.

Eedeymaha loo heysto madaxweyne Zuma waxaa ka mid ah musuq-maasuq iyo fadeexooyin dhaqaale intii u dhexeysay sanadkii 2009 ilaa 2018 ee uu ahaa madaxweynaha South Africa.

Go’aanka maxkamadda dastuuriga ah ay ku amartay xarriga Zuma ayaa yimid shan bilood kaddib markii maxkamaddu ka codsatay inuu horyimaado, si wax looga weydiiyo musuq-maasuqa lagu soo eedeeyay bishii February, waxaana kiiska Zuma horkacayay ku xigeenka xeer-ilaaliyha guud Raymond Zondo, sida ay qortay wakaladda wararka ee Reuters.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker