Daaha Gaas oo wax ka badelay heeso ay sameeyeen Axmed Saleebaan Bidde , Cali Sugule Cigaal iyo Ismaaciil Cagaf

Daaha Cabdi Gaas , waxa uu wax ka badelay heeso ay sameeyeen Axmed Saleebaan Bidde , Cali Sugule Cigaal iyo Ismaaciil Sheekh Axmed ( Cagaf).


18 May 2021

Waxa uu laxankeeda qaatay heestii Axmed Saleebaan Bidde we ahayd Haddii aanan dhulkaygoow oo xaraf raaceedii xataa aanuu dhaafin. Heestaasi waxa uu sameeyay sanadkii 1977 markii uu socday dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya.

Isla 2021

Waxa uu iyana meelaha qaar wax ka badelay heestii Cali Sugule ee ahayd Waa baa beryey , Cali waxa uu heesta sameeyay sanadkii 1967 markii Jabuuti laga qaadatay aftidii madaxbanaanida.

Bishan

Waxa isku sheegay heestii ahayd Waa Allee oo uu sameeyay 1960 Ismaaciil Sheekh Axmed ( Cagaf) oo ay waxaana rag qaaday ka mid ahaa Cabdilaahi Maxamed Maxamuud ( Qarshe)

Aduunyada ficilda nooca ah , waxa looga yaqaan budcadnimo , wasaarada warfaafinta oo maalgelisa muuqaalada heesahan loo duubay, waxa ay meel ka dhac ku samaysay saddexda Abwaan oo laba ka mid ahi ay dhinteen

Haddii ay dawladdii fanka dhawristiisa masuul ka ahayd ay waxan samaynayso, dhaxalkan waxa ilaashanaya qoysaskii abwaanada .

Daaha wax kale ha la yimaado , waxba yaanu wakhti ku lumin tacabkii raggii oo aanu xataa xusin midhahoooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker