Xukuumadaha Maraykanka iyo China Oo Markale Hadalo Kulul is-dhaafsaday

Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa maalintii khamiista  shir jaraa’iid oo uu qabtay ku eedeeyey Shiinaha inay faraha kula jiraan siyaasada arrimaha gudaha ee Maraykanka iyo waliba weerarka ay ku hayaan dhaqaalaha & Militariga dalkooda.

Pence ayaa sheegay in Dowlada Shiinaha ay wado olole xoogleh oo ay dooneyso inay saameyn ku yeelato dalka Maraykanka, wuxuu ku eedeeyey xukuumada Shiinaha dooneyso in xilka laga tuuro Madaxweynaha Maraykanka Trump oo uu sheegay inuu guulo waaweyn ka gaaray loolanka ganacsi ee ay kula jiraan China, eedeyntan oo ah mid lamid ah tii Donald Trump kasoo jeediyey shirkii Qaramada Midoobay todobaadkii tagay.

Intaas kuma eka faro-gelinta China, waxay sidoo kale weeraro joogto ah ku hayaan shirkadaha waaweyn iyo waliba isgaarsiinta militariga Maraykanka, ayuu yiri Mike Pence oo sheegay inaan la aqbali karin hawlahan uu Shiinaha wado.

Hadalada Madaxweyne kuxigeenka Maraykanka ayaa lagu beegay maalin kadib markii la sheegay in Maraakiibta Shiinaha ay baacsadeen markab militari oo uu Maraykanka lahaa oo ku sugnaa biyaha Bada koonfurta Shiinaha, biyahaasi oo ay isku heystaan Shiinaha iyo dalalka Jaarka la ah ee kamid ah Xulafada Maraykanka.

Saaka oo Jimce ah ayey dowlada China si adag uga jawaabtay eedeynta Maraykanka.

Hua Chunying oo ah afhayeenka Wasaarada Arrimaha Dibada ee Shiinaha ayaa sheegtay in hadalada Maraykanka uu yahay mid “khiyaali” ah oo ay iyaga gacantooda ku sameysteen, Shiinaha ma farogeliyo arrimaha dalalka kale ayey tiri haweenayda u hadashay Wasaarada Arr/Dibada ee China.

Waxayna hadalkeeda ku dartay in Beesha Caalamka oo dhan ay ogyihiin cida ama wadanka (Maraykanka) si da joogta ah u farogeliya arrimaha wadamada kale ee madaxa-banaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker