Uhuru Kenyatta oo shaaca ka qaaday inay ka adkaadeen Al-Shabaab

Madaxweynaha waddan Kenya, Uhuru Kenyatta oo ka hadlayey dagaalka ay dowladdiisa kula jirto kooxda Al-Shabaab ayaa guullo sheegtay.

Uhuru Kenyatta ayaa shaaciyey inay ka adkaadeen kooxaha argagixisada ah, isla-markaana ay ka hortageen weeraradii badnaa, sida uu hadalka u dhigay.

”Waxaan fahansanahay in haddii ay amni darro jirto aan la gaari karin horumar dhanka nolosha iyo ganacsiga ah, sidaas daraadeena aan dadaal badan bixinay kana adkaanay kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yiri Madaxweynaha waddanka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda ay dadaal xoog leh gelisay sugidda amniga xuduudaha dalka, taasina ay keentay inay hoos u dhacaan weerarada Al-Shabaab.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la qalabeeyey ciidamada Kenya, gaar ahaan kuwa la dirirka argagixisada, si ay uga falceliyaan weerarada kooxda Al-Shabaab.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo inta badan ay Kenya ka dhacaan weeraro ay ka fuliyaan xoogaga Al-Shabaab oo inta badan tega deegaanada u dhow xadka Somalia.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker