Dawlada Hoose Ee hargeysa Oo Baabuurta Qaar Si Khasaba Uga Qaadaya 180-kun oo shilinka JSL

Dawlada hoose ee caasimada Hargeysa ayaa goobtii hore loogu yaqaanay xero qaada ku uruuriysay baabuurta yar-yar ee loo yaqaan Vistz-ta iyo Brobox-ta.
Gaadiidkaas ayay dawlada hoose ka rabtaa inay bixiyaan lacag dhan 180-kun oo shilinka Somaliland ah.
Ciidan ayaa si qasab ah gaadiidkaas ugu leexinaaya goobtaas, iyadoo la soo daynaaya ciddii bixisa lacagtaas.
Hawladeeno ku jira gudaha xaruntaas ayaa gaadhiga muraayadiisa hore ku dhajinaaya warqad xabag leh oo u eeg ta waddo marista ee ay wasaaradda maaliyadu bixiso.
Dad goob joog ah ayaa sheegay in gaadiid arrintaas ka cararaayay dhaawac u gaysteen qaar ka mida dadkii goobtaas ka agdhawaa.
Gaadiidleydaas qaarkeed ayaa ku dooday in arrintan aan hore loogu wargelin, lana siinin digniin si ay uga diyaar garoobaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker