Al shabaab oo Weeraray Cidamada ATMIS

Waxaa kordhay khasaaraha ka dhashay weerar ku billowday qaraxyo oo waaberihii hore ee saaka ay Al-Shabaab ku qaadeen Saldhiga Ciidamada ATMIS ee loo aqoon jiray AMISOM ku leeyihiin degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu ka dhacay xerada Ciidamada ATMIS ee degaanka Ceelbaraf, kaas oo Goobjoogayaal ay sheegeen inay ku dhinteen qaraxyada iyo dagaalkaba Askar oo u farabadan oo kamid ah kuwa Burundi ee katirsan howlgalka ATMIS.

Qaar kamid ah dadka degaanka ceelbaraf ayaa Risaala u sheegay inay arkeen meydadka ciidamada Burundi, sidoo kalena Al-Shabaab ay qaateen hub iyo Agab kale oo Ciidamada ATMIS uga tageen Xerada , halka qaarkood ay miinooyin ku xireen kadibna ay qarxiyeen.

Saraakiisha howlgalka ATMIS ayaan weli ka hadlin weerarkaas, hayeeshee Al-Shabaab oo War kasoo saaray waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Xerada, sidoo kale ay dileen 59 Askari oo katirsan ciidamada Burundi walow aysan jirin illo madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Wararkii uu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Ceelbaraf oo hoostaga degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in xaaladu ay tahay, isla markaana Ciidamada Burundi ay dib ula wareegeen Xeradooda oo dhowr saacadood ay heysteen Al-Shabaab.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker