Halkee ku dambeyeen ciidamada guutada Soomaalida ee bariga Ukraine?

Wararka ka imaanaya aagaga kala duwan oo ka tirsan dalka Ukraine ayaa sheegaya in ciidamadu Ruushku ay wadaan duqeyn aan kala joogsi lahayn iyo qabsashada goobo horleh.

Saraakiil Ruushiyaan ah ayaa sheegay in hadafkoodu yahay qabsashada koofurta Ukraine iyo furidda marinno muhiim ah oo dagaallada ku xirmay. Balse inta aanna u sii daadegin wararka kale ee Ruushka iyo Ukrine aan eegno halka ay ku dambeeyeen ciidamada mannaxayaasha ah ee loo yaqaanno guutada Soomaalida “Somali Battalion”, oo ah garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine,Guutada ‘Soomaalida’ ee Ruushku taageero waa cutub millatari kana tirsan isbahaysiga magaciisa loo soo gaabiyo (DPR) ee ka jira gobalka Donetsk.

Wararkii ugu dambeyay ee laga helayo Bariga Ukrine ayaa sheegaya in guutada Soomaalida la arkayay iyadoo dhawaan calamo iyo ubaxyo ay ku soo dhaweeynayaan dadweynaha gobalka Donetsk, iyagoo markaa ka yimid dhanka magaalada go’doonsan ee Mariupol. Waxaa la rumaysanyahay inay qayb ka ahaayen ciidamada Ruushka ee dhawaanahaan hareeyay Mariupol.

Muuqaal baraha bulshada lagu baahiyay ayaa la arkayay ciidamadaan guutada Soomaalida “Somalida Battalion”, oo wata tiro gawaarida dagaalka ah kuwaa oo dadka dhinacyada waddooyinka safnaa gacmaha u haatinayay oo sallaamayay. Wasiirka difaaca Ruushka Sergei Shoigu ayaa ku dhawaaqay in Mariupol ay gacanta ku hayaan ciidamada qalabka sida ee Ruushka.
Dhanka kale qiimeyn dhanka sirdoon oo cusub ayaa lagu xaqiijiyay in miltariga Ruushka ay weerar ku qaadeen dhowr jiho oo cusub oo ka tirsan Ukraine .Shirkad dayax-gacmeed oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in militariga Ruushka ay geeyeen unugyo cusub meel u dhow caasimadda Kyiv.Sawiradii ugu dambeeyay ayaa muujinayay ciidamada Ruushka oo madaafiic ku garaacaya xaafado ku yaala duleedka caasimadda.

Haddaba maxay yihiin ciidamadaan guutada Soomaalida ee bariga Ukraine?

Waxaa guutadan lagu magacaabaa “Somali Battalion”, waa garab militeri oo ka tirsan jabhad ka dagaallanta gobolka Donestk ee bariga Ukraine, jabhaddan waxay ka qeyb qaadaneysaa dagaalka haatan ka socda Donbas ee Ukraine, waxay dagaal kula jiraan ciidamada Ukraine. Dhammanatood waa muwadiniin u dhashay Ukraine oo ma jira qof Soomaali ah oo ka tirsan, balse magacaas uun ayay la baxeen.

Waxaa horraan guutadan la oran jiray 1st Separate Tank Battalion Somalia, waxaa hoggaamin jiray taliye la oran jiray Mikhail Tolstykh, waxay isugu yeeraan kooxda ‘manaxayaasha ah.’Waxaana hoggaamiyahoodii Mikhail Tolstykh uu ku dhintay qarax sanadkii 2017 xilli uu ku sugnaa gobolka Donestk.

Waxaa la sheegay in guutadan ay tahay mid aad u hubeysan xitaa waxay heystaan gawaarida gaashaaman ee dagaalka, madaafiicda iyo gawaarida xamuulka ee dagaalka. Dowladda Ukraine ayaa guutadan ku tilmaantaa koox argagixiso ah oo ay baacsanayaan ciidamada dowladda si lamid ah kooxaha kale ee ku kacsan xukuumadda ee gooni u goosadka ah.Guutadan wuxuu fadhigeedu yahay gobolka Donetsk iyo Makiivka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker