Ajnabi ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo lagu dilay dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan

Halgan (OWN) – Kooxda Macaawisley ee Al-shabaab kula dagaallanta qaar ka mid ah Gobollada dalka ayaa sheegtay in Nin ajannabi ah oo u dagaallamayay AL-shabaab ay ku dileen dagaal ka dhacay Gobolka Hiiraan.

Saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ayaa sheegay in dagaal shalay labada dhinac ku dhexmaray Tuulada Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Waxaa ay sheegeen in Ninka Ajannabiga ah uu u dhashay dalka Kenya islamarkaana magaciisa lagu sheegay Maxamed.

Degaankii lagu dagaallamay ayaa waxaa ku sugan AL-shabaab waxaana saraakiisha Kooxda Macaawisleyda ay sheegtay in halkaas ay ka dhacayaan dagaallo u dhaxeeya labada dhinac.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker