Hanti dhawrka qaranka JSL oo ku heley musuqmaasuq cad maayar maydhane iyo Tuugadii oo la huwiyey Abtirsiin .by jamal hargeysaawi

Hanti dhawrku guud ee qaranka JSL  haddii dadkii ay tuugada ama musuqmaasuqa ku qabteen wax laga qaban waayo sideebey ku dhicikartaa in dadka kalena la soo qaqabto?

Hadaba su,aasha bulshada reer somaliland ay is weydiineyso ayaa waxay tahay madaama maayar maydhane lagu hayo inuu lunsadey hanti farabadan maxaa keeney amase maxaa hortaagan in la soo qabashadiisa?

Haddiise sharciga sidiisa loo fuliyo oo maayar maydhane  iyo kuwa kulajira dambiga xilka laga xayuubiyo waxaa dhicidoonta in dhamaan golayaasha degaanka JSL ay baqaan oo si fiicana ay ugu adeegaan bulshada soo dooratey iyaga.

Sidaasi awgeed bulsho weynta reer borama waxay aaminsanyihii haddii maanta maayar maydhane dawladu ay sharciga marin weydo waxaa dhici doonta in dhamaan golayaahsa degaanada somaliland iskadaa wax ay qabtaane ay boobi donaan hantida umada.

Wararka naga soo gaadhaaya caasimada labaad borama ee JSL dad weynaha magaalada borama waxay sheegayaan in ,maayar maydhane iyo kuwa kulajira dambiga laga xayuubiyo xasaanada si loo keeno badalkoodii kuwii ku xigey iyaga.

Hadaba dadka reer borama waxay madaxweynaha sharaftaleh ka codsanayaan ama ay weydiisanayaan inuu odhadka JSL ku taageero shaqadaa wanaagsan ee ay qabteen.

By jamal hargeysaawi

Jamalhargeysaawi@gmail.com

Uk London

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker