Sarkaal Ka Tirsanaa Ciidamada Ingiriiska Oo Maydkiisa Laga Helay Magaalada Istanbul

SarKaal howlgab ah oo hore uga tirsanaa ciidanka milatariga UK sidoo kalena ahaa shaqsiga dhidibada u taagay hey,ada gargaarka ee White Helmets ee ka howlgasha dalka Suuriya ayaa meydkiisa laga helay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Wakaalada wararka ee dowlada Turkey-ga Anadolu ayaa qortay in meydka James Le Mesurier, laga helay meel u dhow guriga uu ka daganaa degmada Beyoglu ee dhacda bartamaha magaalada Istanbul.

Dadka u socday masaajidka ayaa arkay meydka Mesurier waxaana ay ku wargaliyeen ciidanka Amniga.

Xafiiska badhasaabka magaalada Istanbul ayaa sheegay in ciidanka Amniga iyo waaxda cadaalada ay bilaabeen baadhitaano la Xidhiiha waxa sababay Dilkan.

Laamaha danbi baarista Turkiga ayaa dhankooda xaqiijiyay in aysan jirin cid gudaha u gashay ama ka soo baxday guriga ninka la Dilay.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in geerida Le Mesurier ay muuqato mid isdaldalaad ah ayna dhici karto in uu isaga iska soo tuuray qeybta kore ee dabaqa uu Daganaa.

Xaaska sargaalkan horay uga tirsanaa ciidanka milatariga UK ayaa booliska u sheegtay in seygeeda uu qaadanayay daawooyin uuna jiray walaac iyo walwal soo foodsaaray todobaadyadii la soo Dhaafay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker