”Dagaalka Ka Socda Yemen Waxa Uu Hor-seeday Macluul Aad U Daran”Qaramada Midoobay.

Hay’adda cunadda adduunka ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano WFP ayaa sheegtay in xaalada Bini’aadanimo midii ugu xumeyd in ay ka jirto dalka Yemen oo dagaallo sukeeye ay ragaadiyeen.

Qaramada Midoobe ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay Yemeniyiinta ilaa haatan ku sugan dalkaasi gudahiisa waxa ayna sheegtay in 22,000 ruux ay halis ugu jiraan in ay macluul ugu geeriyoodaan.

Arbacadii ina soo dhaaftay ayey aheyd markii wadahadalada nabada ee Qaramada Midoobe gadh wadeenka ka tahay laga furay Magaalada Cobenhegan ee xarunta u ah dalka Sweden waxaana lagu wadahadalsiinaayey Xuutiyiinta iyo dowladda Yemen, waxaana rajo fiican laga muujiyay in wadahadaladaasi ay kasoo bixi karaan heshiis waara.

mar sii horesyay ayay sidaan oo kale Qaramada Midoobe ka deyrisay xaalada bini aadanimo ee ay ku noolyihiin Yemeniyiinta ku hadhay dalkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker