Wafdi Ka Socda Dalalka Reer Yurub,Canada Iyo Hay’adda UNODC Oo Garoowe Kula Kulmay Madaxweynaha Puntland.

Garoowe-(OWN)-Madaxweynaha  Puntland ,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kulan la qaatay saraakiil ka socota xafiiska UNODS iyo diblamaasiyiin shisheeye oo ka socda dalal badan oo wadashaqayn dhaw laleh Puntland.
Saraakiishan oo ay hoggaaminaysey Francesea Caonero oo ka tirsan hay’adda UNODC ayaa waxa ay kala ahaayeen diblamaasiyiin ka socda dalalka Netherland, Italy, Sweden, Holland, Canada iyo sidoo kale saraakiil kale oo ka socda hay’adda UNODC.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada  Puntland ee Garoowe ayaa waxaa looga hadlay arrimaha xabsiyada Puntland, gaar ahaan xabsiyada dhexe ee dawladda, siidaynta maxaabiista burcad badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka dibeddiisa iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Puntland ,Cabdiweli Gaas ayaa ugu horrayn Puntland kusoo dhoweeyey saraakiishan ka socdey hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kale, waxaana uu boggaadiyey mas’uuliyiintani wadashaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin Puntland gaar ahaan Wasaaradda Cadaaladda iyo ciidamada Asluubta Puntland.
Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa saraakiisha hay’adda UNODC iyo diblamaasiyiinta kaleba kala hadlay xaaladda maxaabiista burcad-badeedda Soomaalida ee ku xidhan dalka debeddiisa, waxaana uu Madaxweynuhu u sheegay in Puntland u gudbinayso cid kasta oo ay arrintaasi khusayso in maxaabiista si dhaw loo eego xaaladdooda, dibna loosiiyo xuriyaddooda maadaama ay wakhti dheer xidhnaayeen dibna ula jaanqaadikaraan bulshada.
Dhinaca kale,hoggaamiyaha weftigani Francesea Caonero ayaa dhankeeda tilmaamtay inay Madaxweymaha Puntland iyo mas’uuliyiinta kaleba uga mahadcelisey qaabilaadda iyo gorfaynta arrimahakani muhiim ka ah, waxaana ay xaqiijisay in arrinta maxaabiista burcad badeedda ay tahay muhiim in waxbadan laga qabto oo laga arrinsado siidaynta maxaabiistaasi, maadaama ay muddo badan ku jiraan xabsiga, Isla markaana waxay ay Puntland ku amaantay si wanaagsan wanaagsan ee ay u maamulaan xabsiyada iyo maxaabiistaba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker