Dhismaha Xukuumada Talyaaniga Oo Markale Fashilantay

Raysalwasaarihii Giuseppe Conte oo ay magacaabeen xisbiyadii kusoo baxay doorashadii dalkaasi ayaa sheegay inuu ku guuleysan waayey dhismaha xukuumadiisa, isagoo Axadii shalay istiqaaladiisa u geeyey Madaxweynaha.

Giuseppe Conte ayaa waxaa xilka Raysalwasaaraha u magacaabay labada xisbi ee ugu codka badnaa natiijadii doorashada kuwaasi oo isbaheysi sameystay. Xisbiyada Five Star Movement iyo League oo ay ku jiraan kooxaha xagjirka ah iyo cunsuriyiin ayaa codod badan ku helay doorashadii ugu danbeysay.

In muddo ah ayey ku qaadatay inay isbaheysigaasi soo magacaabaan Raysalwasaarahooda oo ugu danbeyntii noqday Giuseppe Conte oo ah professor ku takhasusay arrimaha Sharciga oo aan horey xil dowladeed usoo qaban.

Prof.Conte ayaa todobaadkii hore loo ogolaaday inuu soo dhiso xukuumadiisa cusub, isagoona listiga magacyada Golihiisa Wasiirada u gudbiyey Madaxweynaha Sergio Mattarella, balse Madaxweynaha ayaa diiday in xilka Wasiirka Dhaqaalaha loo magacaabo siyaasi si weyn uga soo horjeeda EU-da oo lagu magacaabo Paolo Savona.

Fashilka Raysalwasaare Conte ayaa la filayaa inay keento in markale la qabto doorasho cusub, waxaana la hadal hayaa in Madaxweynaha doonayo in lasoo dhiso xukuumad KMG ah oo u badan khubaro kuwaasi oo soo diyaariya doorashada cusub.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker