Ganacsade Caan ka Ah Galmudug oo Lagu Dilay Magaalada Dhuuso mareeb

Dhuusamareeb (OWN) – Faah faahino dheeraad ah ayaa  laga helayaa iska hor imaad muddo kooban socday oo saaka ka dhacay Gudaha magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, Isla markaana ah Xarunta Maamulka Galmudug  kaas oo u dhexeeyey maleeshiyaad hubeysan.

Is-rasaaseynta oo Geysatay khasaare ayaa  timi kadib markii maleeshiyaadka labada dhinac ay isku qabteen dhul ku yaalla duleedka magaaladaasi.

 

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay dagaalkaasi, kaas oo ay dadka Deegaanku Magaciisa ku sheegeen, Cabdullahi Caabi Cali.

 

Sidoo kale marxuumka ayaa ka mid ah Ganacsatada dhulka, waxaana si weyn looga yaqaanay magaalada Dhuusamareeb & deegaanada ku xeeran.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker