Dawlada Maraykanka Maxaa uga Qorshaysan Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia

Dawlada Maraykanka Oo Ka Hadashay Waxa Ugu Meel Yaala Wada Hadalada Somaliland Iyo Somaliya.Dawlada-Maraykanka-Oo-Ka-Hadashay-Waxa-Ugu-Meel-Yaala-Wada-Hadalada-Somaliland-Iyo-Somaliya Tifaftiraha wargeyska Geeska Afrika Maxamed Xuseen Jaamac (Rambo), oo
ka mid ahaa saxafiyiinta ay safaaradda Maraykanku ku casuuntay shirka  jaraa’id ayaa isagoo Hargeysa ku sugan wuxuu si toos h u weydiiyay safiirka
Maraykanka, su’aalo ku khuseeya Somaliland.

 

Danjire Yamamoto ayaa waxa uu Geeska Afrika weydiyay laba su’aalood oo  kala ah wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo hadda hakad ku jira iyo  doorka Maraykanka iyo bal caawimada uu Maraykanku siin karo Somaliland  xilligan adag ee halganka loogu jiro si looga hortaggo xanuunka Covid_19.

 

Danjire Donald Yamamoto, wuxuu ku jawaabay ” Waa su’aal aad u fiican.  Soomalida muddo dheer ayaan ka shaqaynayay. Waxaaan la shaqeeyey
Madaxwayne Cigaal, 1998 markii loo dejinayay qaab dhismeed Somaliya. Waxaan kadib la shaqeeyey dhamaantood, Rayaale iyo kuwii kale, hadana
waxaan la shaqeeyaa Muuse Biixi.

 

Hadda waxa jira dhawr arrimood oo socda.Ta koowaad waxa weeye in Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy uu
martigeliyay kullan dhexmaray Muuse Biixi iyo Madaxwayne Farmaajo. Taasi  waa bilow aad u fiican. Arinka kale waxa weeye in COVID-19 iyo sidoo kale dayn cafintu ay ku qasbayaan Somaliland iyo Somalia iyo maamulgoboleedyada xubnaha ka ah inay wada shaqeeyaan sababta oo ah
Somaliland waxa ay sii xoogaysanaysaa marka ay taageero u haysato
hamigeeda .

 

Kenya, Itoobiya iyo Jibuuti waa muhiim, balse waxa ay ila tahay  marka ay jirto isku duwid iyo iskaashi ka dhexeeya Somaliland iyo dawladda
federaalka ah iyo dawlad-goboleedyada xubnaha ka ah oo u wada shaqaynaya hal mid ah inay noqon doonto mid xooggan. Waxa ay ila tahay in
arinku sidaas noqon doono.

 

Waxaan arkaa rajo badan oo ay leeyihiin  Somaliland iyo Somaliya maanta oo ka badan tii aan qabay shalay, bishii hore,
sanadkii hore iyo 1998. COVID-19 iyo dayn cafintu waxa ay ku qasbayaan  dhamaan dhinacaydu wada shaqeeyaan.”
Isagoo danjire Yamamoto hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Waxa ay tahay  inaynu xusuusano in qurbo joogtu ay sidoo kale ciyaarto door.

 

Sidaas darteed  waxa aynu arkaynaa qurbo-joog badan oo ciyaraysa door muhiim ah oo ay kaga qayb qaadanayaan wada-hadalka. Waxa jira dad gudaha Somaliya jooga oo door ciyaaraya. Waxa ay ila tahay in Soomaalid ay xoog badan yeelanayso  haddii ay si midaysan oo kudlad ah u wada shaqeeyaan oo aad u isticmaashaan kudladaas inaad dhexgashaan dhaqaalaha gobolka iyo
qaaradda.

 

Balse waa inaad noqotaan kudlad. Waa kuwaas arimaha laga wadahadlay xilligan. Maraykanku wuu taageersan yahay., waxaanu doonaynaa
inaanu aragno Taageero buuxda oo la siiyo Somaliya and Somaliland. Waxaanu doonaynaa inaanu aragno taas, waanuna ka shaqayn doonaa
sababta oo ah dadka Somaliya iyo Somaliland ayaa doonaya. Sababta oo ah
way doonayaan, anana markaas sidaas ayaanu la rabnaa. Way dhan tahay

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker