Maxaa ka jira in Wafti Miisaan leh oo ka socda Dawlada Shiinaha uu ku wajahan yahay Somaliland

Hargeysa (OWN) – Xog aan helayno ayaa sheegaysa in magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland ay kusoo wajahan yihiin wafdi ka socda dowladda Shiinaha, oo muddooyinkii u dambeeyay ka biyo diiday xidhiidhka Taiwan iyo Somaliland.

 

Wafdigan ayaa ku biiri doona xubno kale oo uu hogaaminayo Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Qin Jian oo isagu ku sugan magaalada Hargeysa.

Danjire Qin Jian ayaa magaalada Hargeysa ku sugan dhowr maalmood, isaga oo aan weli la kulmin madaxweynaha Somaliland oo ujeedkiisa u weyn ahaa,

 

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, Wafdiga ka socda Shiinaha ayaa daba socda dalab ay Somaliland ku xidhay Shiinaha, kaasi oo ahaa inuu ula tacaamulo sidii dal ka madax-banaan Soomaaliya.

 

 

Shiinaha oo saaxiib dhow la’ ah Soomaaliya ayaa u muuqda mid xiligan ku qasban inuu Si sax ah ula Macaamilo Somaliland , isla markaana uu xidhiidh diblumaasiyadeed oo cusub la sameysto, si daaqada looga saaro Taiwan.

Xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ayaa si weyn uga cadheysiiyay dowladad Shiinaha oo iyadu sheegata inay Taiwan tahay jaziirad ka tirsan dhul-weynaheeda, halka iyaduna ku doodeyso taasi badalkeeda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker