Waa kuma Mohamed Attallah? Qaybtii koowaad

Caadi ahaan magacyada saynisyahannada caanka ah waxay la xidhiidhan hal dhinac oo keliya, marka Albert Einstein la soo hadal qaado, wadahadalku wuxuu inta badan udub dhexaad u yahay fasiraado qariib ah oo ku saabsan aragtida la xidhiidha cilmiga fiisigiska, sidoo kale Isaac Newton marka laga hadlayo, waxa ugu horreeya ee maskaxda ku soo dhacayaa waa daahfurkiisa sharciga guud ee culeyska (gravity). Saynisyahan kasta waxa uu kaga tegay sumcadiisa goobtiisa khibradeed ilaa uu magaciisu la mid noqday fikrad ama aragti.

Si kastaba ha noqotee, Khasab maaha in qofku hal dhinac uun ku takhasuso. Dadka qaarkii waxay ku takhasusi karaan dhinacyo kala duwan, oo laga yaabo in aanay xidhiidh dhow lahayn. Saynisyahankii reer Masar ee Maxamed Atallah wuxuu ka mid yahay dadka ka tagay CV la yaab leh, isaga oo bilowgii hore ku takhasusay injineernimada, ka dibna u dhaqaaqay warshadaha elektarooniga ah si uu ugu soo bandhigo aadamaha mid ka mid ah teknoolojiyada ugu saameynta badan ee xilligan casriga ah.Ugu horayntii wuxuu ku dedaalay ilaalinta dhijitaalka si uu uga tago heerarka iyo farsamooyinka weli jira.

Noloshii hore iyo waxbarashadii Muxammad Atallah Wuxuu ku dhashay bishii Diseembar 24, 1924 magaalada Masaarida ee Port Saciid, wuxuuna wax ku bartay Jaamacadda Qaahira, oo uu ka qaatay shahaadada jaamacadeed, ka dibna wuxuu u wareegay Mareykanka si uu u kor ugu sii qaado waxbarashadiisa, halkaas oo uu wax ku soo bartay Jaamacadda Purdue University, oo uu ka qaatay shahaadada mastarka sanadkii 1947. Wuxuu sidoo kale dhameeyey PhD 1949, labadaba wuxuu ka diyaariyry injineernimada farsamada. Waxaa xusid mudan in Muxammad Atallah uu goaansaday intuu joogay Maraykanka, inuu qaatay magaca Martin John, sidaa darteedna hadad raadiso tixraacyo badan oo ingiriis ah iyo maqaalo waxad ku arki doontaa magaca Martin John Atallah.

Kacaankii dijitaalka(digital) ahaa: MOSFET transistors-ka ayaa run noqday! Atallah wuxuu uu ka shaqo bilaabay qaybta warshadaha isla markii uu dhamaystay shahaadada PhD-da, kamana qayb galin cilmi baadhis (research). Wuxuu shaqadiisa ka bilaabay Bell-Laboratories (shaybadh cilmi baadhis oo ahaa kii ugu guusha badna ee soo mara abid dunida,imikase bur-buray) sanadkii 1949 Atallah iyo kooxdiisa waxay la yimaadeen mashaariic la xidhiidha isku halaynta shaabadda korontada (Electrical seal). Laakiin markii la ikhtiraacay transistors(Waa aalad badh-gudbiye ah loona isticmaalo in lagu wayneeyo ama lagu bedelo calamadaha elektrooniga ah iyo awooda korontadda), Atallah iyo kooxdiisii waxa ay u dhaqaaqaaqeen inay ka shaqeeyaan shaybaar kale oo ka tirsan shirkadda si ay diiradda u saaraan dadaallada la xidhiidha horumarinta transistors-ka. laga bilaabo sanadkii 1956.

In kasta oo takhasuskiisa cilmiyaysan aanu si toos ah ula xidhiidhin waaxda warshadaha ee semiconductors, fiisikiska iyo kiimikada. Arrimahan oo dhami caqabad iyo dhibaato kuma noqonin Atallah iyo kooxdiisii, oo intii ay shaqeynayeen laga soo bilaabo 1956 ilaa 1960 ayaa kuguuleysteen inay kacaan weyn ka
sameeyaan adduunka warshadaha elektaroonigga ah, oo ay bedelelaan wejigii hore ee lagu yaqaanay…

 

W/Q: Muna Ahmed Faarah
GMAIL:munaahmed885@gmail.com

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker