Dawladda Taiwand oo Maanta si Rasmi ah Magaalada Hargaysa uga Furtay Safaaradeeda Somaliland

Hargeysa (OWN) – Dawlada Taiwan ayaa maanta si rasmi ah Uga Furatay Safaaradeeda Xarunta Somaliland ee Hargaysa

Hir-gelinta Safaaradan  ayaa yimid, kadib markii ay dhowaan Heshiis rasmi ah ay kala saxiixdeen labada  Dawladood isla Markaana ay Isdhaafsadeen Labada Safiir ee kala Matali Doona ..

 

Sidoo kale munaasabad lagu daah-furayey Safaaradda Cusub ee  ay Taiwan ka furatay Hargeysa ayaa lagu qabtay magaaladaasi, waxaana ka qeyb-galay wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland.

 

Waxaa sidoo kale Khadka Internet-ka uga qeyb-galay xafladdaasi Wasiirka Arrimaha Debedda Taiwan, wuxuuna sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay furitaanka xafiiskaas.

Dhankooda wasiirada Somaliland ee madasha ka hadlay ayaa tilmamay in xafiiskan uu sii xoojin xiriira ka dhexeeya labada dhinac.

Arrimaha ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan dowladaha Soomaaliya iyo Shiinaha ay si weyn uga soo horjeesteen xiriirka dhex-maray maamulka Somaliland iyo Jasiirada Taiwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker