Nin qirtay inuu xaday lacag gaadhaysa malaayiin doolar

Nin asalkiisu ka soo jeedo dalka Nigeria balse haysta dhalashada dalka Ingiriiska ayaa maxkamad ku taalla dalka Mareykanka ka hor qirtay inuu ku kacay qiyaano isla markaana uu xaday in ka badan 6 milyan oo doolar muddo toddobo sano ah.

Idris Dayo Mustafa, oo 33 jir ah, waxa uu qayb ka ahaa koox jabsata oo gashay email-ka iyo xisaabaadka shirkadaha Maraykanka laga leeyahay intii u dhaxaysay sanadihii 2011 iyo 2018, taas oo keentay in la waayo lacagtaasi lixda milyan ah sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah

Mustafa ayaa laga soo celiyay Ingiriiska bishii Agoosto, laba sano kadib markii la xiray.Dambiyada uu galay ayaa gaaraya ilaa sida la sheegay u dhigma xukun gaaraya 20 sano oo xarig ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker