Nin Soomaali Ah Oo Ku Guulaystay Xubanaha Golaha Mus-Danbeedka Maamul-Goboleedka Minnesota Oo Ee Dalka Maraykanka

Golaha ayaa ah maamul goboleed qaabeeya qorsheynta iyo kobcinta deeganaada balaadhan ee hoos yimaada oo ay ka mid yihiin magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul iyo deeganada ku xayndaaban! Metropolitan Council waxa uu si gaar ah majaraha ugu hayaa qorsheynta koriinka deegaanka gaar ahaan dhinaca dhismaha wadooyinka iyo marinada tareenada, horumatinta dhaqaalaha iyo guriyeynta,biya gelinta, maareynta qashinka gobolka. Waxa maamul goboleeekan la saameyay 1967 ka dib markii magaalooyinka gobolku awoodi kari waayeen iney kali ahaan daboolan baahidii isa soo tareysay ee dadweynaha.

 

Badhasaabka Gobolka Minnesota ee dal weynaha Maraykanka mudane Tim Walz ayaa shaaca ka qaaday golaha sare ee cusub ee gobolka oo ka kooban 16 xubnood oo beddeli doona guddidii hore ee maamulka gobolka. Golahan ayaa marka ay fadhiistaan noqon doona kii ugu fiicnaa dhanka metelaadda iyo xulashada dadweynaha gobolka ku nool, tan iyo illaa intii golaha la sameeyey oo imika laga joogo 50 sanno . Sida sharcigu dhigayo badhasaabka ayaa soo gudbinaya magacyada guddida shan cisho ka hor 4-ta bisha March, markaas oo wixii ka danbeeya ay magacaabistu sharci noqonayso isla markaana ay ansixinayaan golaha guurtidu. Xubnaha golaha cusub waxa lagu dhaarinayaa kulan guddiyeed gaar ah oo dhici doona Arbacada bishu ay tahay 6-da March.

 

“16 xubnood waxa ay u taagan yihiin dadka gobolkan ka soo jeeda” ayuu yidhi badhasaab Walz. “Waxa ay wataan oo khibrad dheer u leeyihiin hawlaha goluhu ka shaqeeyo, waxana ay leeyihiin taariikh dhanka u adeeggidda bulshada ah, aqoon dhanka maaraynta shaqooyinka ah, iyo sidoo kale xidhiidh adag oo lala sameeyo bulshada. Aad baan ugu kalsoonahay kartidooda iyo in ay hoggaanka u qaban doonaan u adeegidda bulshadooda iyo weliba in ay dardar gelin doonaan hawlaha dad weynaha.”

 

“Waxa jiray dad badan oo wanaagsanaa isla markaana khibrad badan lahaa oo u sharraxnaa golahan” ayuu yidhi kaaliyaha badhasaabku Mr Peggy Flanagan. “Waxan rabaa in aan u mahad naqo qof kasta oo waqti iyo tamar geliyey in uu ku guuleysto golahan, iyo weliba rabitaankoodii ahaa in ay bulshada u shaqeeyaan iyaga oo gobolka meteleya. Waxa aan sidoo kale u mahad celinayaa guddida la magacaabay waqtigii ay geliyeen iyo weliba sida ay uga go’an tahay hawshu. In dad cusub lagu soo daro guddidu waxa ay caawinaysaa in miiska go’aan qaadashada laga helo codad go’aanka ka qayb qaata, taas oo wax ka beddeli karta taariikhdii dhanka cabashada metelaadda. Natiijadu waa in xubnahan cusub yihiin kuwii ugu fiicnaa dhanka kala duwanaanshaha dadka marka la eego taariikhda golaha, waana natiijo aan aad ugu han weynahay”

 

Ma sugi karo in aan la shaqeeyo guddidan cusub” ayuu yidhi Nora Slawik. “Waan ogahay oo waxa jira wax badan oo uu midba kan kale ka baran doono, gobolkuna runtii wuxu ka faa’idaysan doonaa khibradaha kala duwan ee xubnahan. In laba xubnood oo guddidii hore ah dib loo soo magacaabay qudheedu waxa ay sheegaysaa in hawshu halkii ka sii soconayso, taas oo codadka cusub u noqon doonta tilmaan, si ay shaqadu ugu aroorto dhanka gobolku u baahan yahay”

 

Waa kuwee golahan cusub?

Golahan cusub ayaa iskugu jira 16 xubnood oo ka kooban: 7 dadkii hore u deggenaa ah, 7 haween ah, 2 golihii hore ka soo jeeda, iyo 2 dadka dhawaan gobolka soo degey ka mid ah. Golahan oo ka soo kala jeeda labada xisbi xubnihiisu waxa ay iskugu jiraan: dad ganacsato ah, isku-dubaridayaal bulsho iyo khubaro dhanka waxbarasahda ah. Laba ka mid ahi waa maayirro. Dhammaantoodna shaqooyinkii ay hore u hayeen waa ay iska soo casili doonaan si ay hawshan cusub ugu madax iyo gacan bannaanaadaan.

Magacyada golahan ayaa kala ah:

Judy Johnson
Reva Chamblis
Christopher Ferguson
Deb Barber
Molly Cummings
Lynnea Atlas-Ingebretson
Robert Lilligren
Abdirahman Muse
Raymond Zeran
Peter Lindstrom
Susan Vento
Francisco J. Gonzalez
Chai Lee
Kris Fredson
Phillip Sterner
Wendy Wulff

Haddaba C.Raxmaan Muuse oo xubnahan dhexda ugu jira ayaa isagu sannadihii u danbeeyey ka dhex muuqday dhanka abaabulka siyaasadeed ee gobolka gaar ahaan caasimadda gobolka ee Minneapolis. Imika wuxu ahaa agaasimaha fulinta ee urur bulsho oo la yidhaa ‘Awood Center’ oo ah urur u dhaqdhaqaaqa xuquuqda shaqaalaha; waxana ay ahayd dhawaan uun markii ururkiisu uu ku qasbay shirkadda weyn ee Amazon in ay wax ka beddel ku samayso hab dhaqanka iyo mushaharooyinka qayb ka mid ah shaqaalihiisa; arrintaas oo saxaafadda maraykanku aad u qaadaa dhigtay.

 

Xigasho: Council News

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker