Madaxweyne Urdogan oo Raysal-wasaare Abiya Axmed ku qaabilay Dalka Turkiga

Raysalwasaaraha dalka Itoobiya Abiye Axmed Oo Safar Shaqo Ku Jooga Dalka, Ayaa Maanta Kulan Gaar Kula Yeeshay Xafiiskiisa Madaxweynaha Dalka Turkiga Rajab Dayib Urdogan.

Raysal-wasaare Abiya Axmed, Ayaa Sidda Uu Ku Soo Qoray Bartiisa Facebook, Ayaa Sheegay Inay Madaxweynaha Dalka Turkiga Ka Wadda hadleen Xidhiidhka Ka dhexeeya Labadda Dal Ee Itoobiya Iyo Turkiga. Waxaanu Yidhi Raysal-wasaare Abiya Axmed, Isagoo Ka Hadlaya Shirka Gaar Ah Ee Dhexmaray Madaxweyne Urdogan “Aniga iyo Weftigaygu, Waxaanu Maanta la kulanay Madaxweyne Erdogan oo aan wadda yeelanay kulan Laba geesood ah oo ka dhinac socday Shirka #Turkey Africa Summit”

Abiya Axmed Oo Hadalkiisa Sii Waddaa, Wuxuu Intaa raaciyey Oo Uu Yidhi “Xidhiidhka taariikhiga ah ee labadeena dal waxa uu ahaa mid mar walba ku qotoma is ixtiraam. Iskaashigeenu wuu sii socdaa iyadoo ku saleysan ka-qaybgal wax-ku-ool ah”.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker