Wasiirkii Gaashaandhiga Dalka Holand oo is casishay

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Holland Ank Bijleveld, ayaa is casishay ka dib markii koox Afgaanistaan ay kasoo daad-gurayn rabtay qabsadeen kooxda Taaliban,waxa sidoo kale hore isu casilay Wasiirkii Arrimaha dibadda ee Holand ka dib markii aqalka hoose ee baarlamaanka uu ku dhaliilay dowladda sida ay u maareysay daad-gureynta Qaxoontiga Afghanistan.

Wasiirad Bijleveld, ayaa iyadana lagu cambaareeyay dib -u -dhac ku yimid daad -gureynta dadka rayidka ah ee Afghanistan,iyadoo intaa ka dib warbaahinta ka sheegtay is casilaadeeda iyadoo xustay inay u gudbin doonto Boqorka dalka.

is casilaada ayaa timid ka dib markii Baarlamaanka dalkaasi meel mariyey mooshin cambaarayn ah oo ka dhan ah Dowladdu sida ay u maaraysay daad-guraynta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker