Diyaaradda Ku Socotay Mumbai Oo Duuliye-yaasheedu Ka Ilaabeen Rakaabka Inay Hawada U Furaan+Waxyeelo Ay Sababtay

In ka badan 30 ruux oo ah rakaab diyaaradeed oo u dhashay dalka Hindiya, oo qaarkood uu sanka iyo dhagaha dhiig ka socday ayaa loo fidiyay gargaar daaweyn ah kadib markii ay duuliyeyaashii hilmaameen iney u fasaxaan hawada loogu tala galay gudaha diyaaradda, sida ay masuuliyiin sheegeen. Duullimaadkii diyaaradda Jet Airways oo lambarkiisu ahaa 9W 697, kaas oo ka tagay magaalada Mumbai kuna sii jeeday magaalada Jaipur ayaa dib loo celiyay wax yar ka dib markii ay diyaaradda duushay.

Muuqaallo ay barta Twitter-ka ku shaaciyeen qaar ka mid ah rakaabkii la socday diyaaradda ayaa lagu arkayay qalabka neefshada caawiya oo ku soo daatay gudaha.  Diyaaraddan oo nooceedu yahay Boeing 737, ayaa sidday dad ay tiradoodu gaareyso 166 ruux, waxaana ay markii dambe u caga dhigatay si nabad ah.

Wasaaradda duulista hawada ayaa sheegtay in shaqaalihii diyaaraddaas laga joojiyay shaqada isla markaana baaritaanno la sameyn doono. Lalit Gupta oo ah sarkaal sare oo ka tirsan waaxda duulista hawada ee dowladda Hindiya ayaa wargeyska Hindustan Times u sheegay in duuliyeyaasha ay hilmaameen iney taabtaan batoon neefta u fasixi lahaa gudaha diyaaradda.

Masuuliyiinta Shirkadda diyaaradaha ee Jet Airways ayaa sheegay in duulimaadkii baxay subaxnimadii Khamiista dib loogu celiyay sababo la xiriira “in la waayay hawada gudaha diyaaradda” waxayna “ka qoomameeyeen” dhibaatada arrintaas ka soo gaartay rakaabkooda.

“Diyaaradda nooceedu yahay B737, oo ay la socdeen 166 ruux oo rakaab ah iyo 5 shaqaale ah waxay si caadi ah u caga dhigatay garoonka Mumbai. Dhammaan rakaabkii waxaa looga soo dajiyay si nabad ah. Gargaar deg deg ah ayaa loo sameeyay rakaab kooban oo ka cawday xanuun xagga dhagaha ah, iyo dhiig ka socday sanka,” ayaa lagu yiri bayaan ay soo saartay shirkadda. Qof ka mid ah rakaabka oo lagu magacaabo Darshak Hathi ayaa Twitter-ka soo dhigay muuqaal muujinaya gudaha diyaaradda iyadoo ay soo fuqday qeybtii hawada ayna soo daadanayaan qalabka neefta.

Rakaab kale oo lagu magacaabo Satish Nair ayaa Twitter-ka soo galiyay sawir uu iska qaaday isagoo uu sanka dhiig ka socdo, wuxuuna masuuliyiinta diyaaradda ku eedeeyay iney iska illoobeen nabadgalyada rakaabka.

Bishii Janaayo, ayay shirkadda Jet Airways shaqada ka eriday labo duuliye ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya iney is dagaaleen xilli ay ku jireen duullimaad ka yimid magaalada London oo ku wajahnaa magaalada Mumbai. Duullimaadkaas oo ay la socdeen 324 qof oo rakaab ah ayaa si nabad galyo ah u caga dhigtay.

 

 

 

Xigasho:BBC SOMALI

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker