Boobe Yuusuf Ducaale oo ka hadlay aragtidiisa ku Aadan Shirkii “Aragti-wadaag”

Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) oo ka mid ah Siyaasiyiinta reer Somaliland, ayaa si adag uga hadlay Shir loogu Magac-daray “Aragti-wadaag”, kaasi oo dhawaan lagu qabtay Magaalada Jabuuti isla-markaana aad loogaga dooday Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland iyo Midnimada Soomaaliya.

 

Boobe ayaa sheegay in Shirka ka dhacay Jabuuti lagu soo casuumay Dadka ugu neceb Somaliland ee ku nool Qurbaha iyo Dalka Soomaaliya iyo meelo kale, halka Somaliland-na lagaga casuumay Saddexda xubnood oo keliya, taasi oo uu ku tilmaamay inay markhaati u tahay sida Soomaalida Koonfurtu aanay Daacad uga ahayn waxa reer Somaliland doonayaan.

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker