Imaaraadka Carabta Oo Taageero Militari Siinaya Dowladda Itoobiya.

Dowlada Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa taageero militeri oo dhinaca cirka ah siinaysa dowladda Itoobiya oo dagaal kula jirta ciidamada ka soo jeeda waqooyiga gobolka Tigray.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in intii u dhaxeysay Sebtembar iyo November ay jireen in ka badan 90 duulimaad oo u kala gooshayay Imaaraadka iyo Itoobiya, iyadoo qaar badan oo ka mid ah la qariyay halkii ay ka duuleen iyo halka ay ku degeen.

Imaaraadku waxa uu fuliyey hawlgalkan ballaaran oo ay gacan ka siiyeen laba shirkadood oo maraakiibta gaarka loo leeyahay oo kala ah: shirkad Isbaanish ah oo soo abaabushay 54 duullimaad oo taageero milatari ah oo u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya muddo bil gudaheed ah, iyo mid Ukrain ah oo soo abaabushay 39 duullimaadyo xamuul ah oo ciidan ah oo laba bil ah sida ay daabacday Aljazeera.

Jaantusyada duulimaadka iyo sawirada dayax-gacmeedka ayaa muujinaya diyaarad dhawaan ka timid Saldhigga Sweihan ee Abu Dhabi, UAE, kuna sii jeeday saldhigga Harar Meda, oo wax yar ka xiga caasimadda Itoobiya, Addis Ababa.

Sawirradan ayaa muujinaya diyaarad Drone ah oo lagu farsameeyay Wing Loong oo Shiinaha laga leeyahay, taasoo noqonaysa tii ugu horreysay ee abid lagu arko saldhigyada ciidamada Itoobiya. Waxay sidoo kale muujinayaan dejinta shixnad milateri oo laga soo dejiyay diyaaradda xamuulka ee Ilyushin.

Sawirada ayaa sidoo kale muujinaya in saldhigyada Samara iyo Axum aysan shaqayn ka dib markii ay isku dhaceen ciidamada Tigreega, kuwaas oo sheegay in todobaadkan ay u jiraan ilaa 200km Addis Ababa.

Inta badan waqooyiga Itoobiya waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta waxaana aad loo xaddiday gelitaanka saxafiyiinta, taasoo ka dhigaysa sheegashada goobaha dagaalka inay adagtahay in la xaqiijiyo.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa Arbacadii sheegtay in ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu aaday jiidaha hore ee dagaalka si uu u hoggaamiyo ciidamada Itoobiya ee ka horjeeda ciidamada Tigreega.

Kadib bilo ay xiisadi jirtay, Abiy bishii Nofeembar 2020 waxa uu ciidan u diray Tigray si ay meesha uga saaraan xisbiga Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

Kooxda TPLF ayaa gacanta ku haysay dowladda federaalka muddo ku dhow sodon sano ilaa uu Abiy xilka la wareegay sanadkii 2018-kii.

Ra’iisul wasaaraha, oo ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2019, ayaa ballan qaaday guul degdeg ah. Ciidankiisu waxay qabsadeen caasimadda Tigray, Mekelle, dabayaaqadii bishii November, laakiin bishii Juun, ciidammada Tigraygu waxay dib ula wareegeen inta badan gobolka waxayna ku riixeen gobollada deriska ah ee Axmaarada iyo Canfarta.

Todobaadyadii la soo dhaafay, dawladda Itoobiya waxa ay xoojisay qoritaanka ciidan badan. Dowladda Itoobiya ayaa heshiis iskaashi milatari la saxiixatay Turkiga bishii Ogosto, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay doonayso in ay dagaalka geyso diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

“Waxaa horeyba u jiray dhowr sheegasho ah oo Shiinuhu uu Itoobiyaanku ku hubeynayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Wing Loong, sidoo kale Turkigu waxay siinayeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn Itoobiyaanka,” Martin Plaut, oo ah cilmi-baare sare oo ka tirsan Machadka Barashada Barwaaqo-sooranka ee Jaamacadda London. , ayuu u sheegay Aljazeera.

“Waxay ila tahay inay [Imaaraadku], macno ahaan, yihiin meel laga soo abaabulo saadka hubkan. Qaar baa si toos ah u yimaadda, qaarna Imaaraadka ayay sii maraan; laakiin Imaaraadku si cad ayuu u qorayaa waxa dhacaya.”ayuu yidhi Plaut.

Colaadda muddada sanadka ah socotay ayaa waxaa ku dhintay tobanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan laba milyan iyo boqolaal kun oo ay soo wajahday xaalado macaluul la mid ah.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Arbacadii ku baaqay in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka ka socda Itoobiya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker