Niddaamka dawladnimo ee ay bulsho samaysato, ayaa go’aamiya horumarkooda iyo dib u dhacooda

Niddaamka loo yaqaano ( inclusive political and economic institutions ) oo ah hanaan lagu wadaagayo siyaasada iyo dhaqaalaha oo aan gacanta ugu jirin koox kooban oo rabta in ay si khaladan u adeegsato ayaa waxa lagu kabaa ( political decentralization ) oo ah in arimaha maamulka la daadajiyo si ay bulshadu u dareento in ay wax wada leedahay, waana labada hanaan ee ay ku dhaqmaan dunida inta horumarka samaysay, ee ku guulaysatay hanaanka dawladnimo ee dunida.

 

Balse, waxa jira niddaam kale oo loo yaqaan ( extractive political and economic institutions ) oo ah hanaan ka jira dunida inteeda dib u dhacsan, niddaamkan inta badan siyaasada iyo dhaqaalaha waxa isku kooba koox tiro kooban oo rabta in ay ka faa’iidaan kaligood, waxana ku Ladhan ( political centralization ) oo ah in hanaanka maamulna aanu wada gaadhin bulshada ee uu ku koobnaado inta badan caasimadaha dalalkaas.

 

Wana niddaamkan ka inta badan aan lahayn dheelitirnaanta awoodaha dhaqaale iyo siyaasadeed, waxana uu bulshada u horseedaa sinnaashiyo la’aan, dhanka horumarka, hodantinimada, si xun u adeegsiga awooda iyo in loolan loo galo kala riixashada niddaamka maamul iyo dhaqaale ee dalka.

 

Sidoo kale waxa uu hormood u yahay xeer la’aanta, guuldaraysiga niddaamka, jahawareerka siyaasada iyo rajada oo noqota mid aan xiiso badan lahayn.

 

Waxana tusaale u ah, wadamo badan oo kuyaala qarada Afrika, Aasiya iyo Koonfurta Ameerika.

 

Qore: Canaan Farax Caynaan.

27,July, 2020.

Hargaysa, Somaliland.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker