Waa Kuma Hogaaminaya Jabhadda Xoraynta Oromada ee Abiy Axmed Ka Seexan Waayey?

Toddobaadkii ugu dambeeyey waddanka Itoobiya waxa uu galayaa xaalad cusub kadib markii xogagga Jabhadaha xoraynta Tigree iyo Oromiya ay laban laabeen dagaalka ay kula jiraan ciidamada dawladda Federaalka Itoobiya. Iyada oo wararkii ugu dambeeyey ee naga soo gaadhaya waddankaasi Itoobiya ay sheegayaan in xoogagga Tigreega ee TDF ay shalay galab gacanta ku dhigeen magaalo kale oo istaraatiiji ah oo lagu magacaabo Kemise kadib markii ay sidoo kale toddobaadkan qabsadeen magaalooyinka Dessie iyo Kombolsha. Kemise ayaa dhinaca Addis Ababa u soo xigta. Qormadan gaarka ah waxa aan diiradda ku saaraysaa waa Kuma Kumsa Diriba oo ah hogaamiyaha Jabhadda Galbeedka iyo Koonfurta Itoobiya ee Xoraynta Oromiya ee loo soo gaabiyo magacooda OLA. Kumsa Diriba oo sidoo kale loogu yeedho (Jaal Maro) waa ninka wakhtigan dagaalka kululeeyey ee muddo halgan uu kus oo jiray imika u muuqdo in uu midho dhalayo kadib markii xoogagga Oromada ee dagaalka kula jira Itoobiya ay gaashaan buur la noqdeen TPLF. Aan haddaba xogaha ninkan u dhaadhacnee Bishii Diismbar 19-keedii sannadkii 2018, Ciidanka Difaaca Qaranka Itoobiya ayaa bilaabay daad-gureynta ciidamadooda guud ahaan galbeedka gobolka Oromia (gaar ahaan 4-ta aag ee Wallaga iyo aagagga woqooyi ee aagga Shawa). Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidamadu ay dhufeysyo ka qodanayeen wakhtigaasi badhtamaha magaalooyinka iyagoo ku gurayay bacaha iyo jawaanno ciid laga buuxiyey. Arintan ayaa jawaab u ahayd wax ay dawladdu ugu yeedhay soo celinta kala danbaynta iyo nidaamka amni ee gobolkan iyaga oo ku sheegay gobol aan amnigiisu sugnayn kadib falal dhawr ah oo ay ciidanka xoraynta Oromada ee uu hogaamiyo ninkan lagu magacaabo “Jaal Maro” ay halkaasi ka gaysteen.

Isla markaana waxa baraha bulshada la wareejiyey muuqaal ku saabsan hadal uu jeediyay taliye ka tirsan ciidamada OLA oo lagu magacaabo Kumsa Diriba, oo loo yaqaanno Jaal Maro (“jaal” waa kelmad afka oromada ku noqonaysa taliye ). Fiidiyowgu wuxuu soconayay in ka badan hal saac wuxuuna ahaa maqal kali ah oo aan wax muqaal ahi la socon. Waxa laga maqlayaa Jaal Maro oo muujinaya kalsooni darrada uu ka qabo xisbiga talada haya ee Oromo Democratic Party (ODP) waxaanu shacabka Oromada ee ugu torada badan dalka Itoobiya ku guubaabinayaa in ay heeryada iska dul qaadaan xisbiga Abiy Axmed na aanu waxba ka duwanayn kuwii Oromada cagta hoosta galinayay qarniyada. Hadalkiisa wax aka muuqatay xamaasad. Waxa uu odhanayaa Jabhadda xoraynta Orimiyaay miyaad dhigaysaan hubka markaasay odganayaan maya maya maya. Jaal maro ayaa sheegaya in aan la raaci doonin amarka hubka dhigista ah ee ay bixiyeen wax uu ugu yeedhay “Odayaashii dibadda ka yimid”. Isaga oo sii hadlaya waxa uu tilmaamay in ay iska shabahaan xilligii ku meel gaadhka ahaa ee Itoobiya 1991kii iyo ku-meel-gaadhka haddu.

Waa kuma haddaba Kumsa Diriba ama Jaal Maro?

Waa taliyaha hadda ee ciidanka Xoraynta Oromada ee jiidda galbeed. Magaca sharci ahaan dalka Itoobiya uga diiwaan gashanaa waa Miliyoon Diriba balse asxaabtiisa iyo qoyskiisu waxay ugu yeedhaan imika Kumsa kaas oo markii dambe uu u beddelay Maro kadib markii uu ku biiray Jabhadda OLA.

Sannadkii 2003, Kumsa Diriba waxa uu ahaa arda wax ka baranayay Maamulka iyo Maaraynta Jaamacadda Addis Ababa. January 18-keedii, sannadkii 2003, waxa uu ka mid ahaa ardaydii la xidhay oo la sii daayay iyaga oo ku mudaaharaadaya afaafka hore ee xafiiska Hormuudka Jaamacadda. Marar badan ayaa lagu xidhay dhaqdhaqaaqiisa intii uu Jaamacadda joogay oo dhan. Waxaanu ahaa mid u dhaqdhaqaaqa qaddiyadda qawmiyadda Oromada.

Sannadkii 2005 ardayda u ololaysa Oromada ee ku sugan xarumaha jaamacadaha kala duwan ee dalka ayaa bilaabay dhaqdhaqaaq ay ugu magac dareen “Halganka lagula dagaalamayo dulmiga” (Fincilaa Diddaa Gabrumma-FDG) kaas oo ay dawladda Itoobiya kaga jawaabtay cadaadis ba’an. Waqtigaasi, Kumsa, oo ay weheliyaan arday kale oo firfircoon, ayaa lagu martiqaaday inay helaan tababar ay ka heleen Ciidanka Xoraynta Oromada ee ka hawlgala aagga Borana ee gobolka Oromia. Waxa uu halkaasi muddo ku qaadanayay tababar Ciidan oo aad u culus. Gaar ahaan tababar la xidhiidha dagaalka gurilla war ee jabhadaynta ah.

Ka dib markii uu qaatay tabobarkii, Kumsa waxa uu ku laabatay Addis Ababa isaga oo ka mid noqday shabakad qarsoodi ah oo ay leeyihiin dhaq-dhaqaaqayaal Oromo ah oo loo yaqaan “Qeerroo Bilisummaa Oromia” oo afka qalaad ku noqonaysa Youth for the Freedom of Oromia). Si kastaba ha ahaatee, ku soo laabashadiisa Addis Ababa ayaa ahayd mid kooban iyadoo madaxda ugu waaweyn ee shabakaddan sida Tesfahun Chemeda iyo Mesfin Abeba, gacanta lagu dhigay oo ay qabteen ciidamada ammaanka ee Itoobiya ka dib markii ay u baxsadeen Nairobi. Maamulkii shabakaddani markii ay Shireen ee ay wax is waydiiyeen waxa ay go’aan ku gaadheen in Mar haddii shabkaddii madaxdeedii la qabqabqabtay loo baahan yahay in Kumsa iyo ragga kale ee tababarka soo qaatay ay ku laabtaan aagga deegaanka Borana si uu si rasmi ah ugu biiro Ciidanka Xoraynta Oromada ee loo yaqaano OLA.

Sannadkii 2001, Jabhadda Xoraynta Oromada waxa soo food saaray khilaaf gudaha ah oo ugu dambayntii keenay in khilaaf culusi soo kala dhex galo waxaana hogaaminayay wakhtigaasi jabhadda xoraynta Ormada Jeneraal Kamaal Galchu. Khilaafkan ayaa aakhirkii gaadhay in Jabhadda Xoraynta Oromada-Koonfureed ee ka hawl-gala magaalada Borana ay la baxaan magaca OLA. Waxa wakhtigaasi bilaabmay dagaal culus oo dhex maray ciidamada Federaalka Itoobiya iyo Jabhadda OLA. Waxaana fashilmay dadaal ay ciidamada dawladdu doonayeen in ay xididada ugu siibaan jabhaddan dardarta qabta balse waxaa dhacay in ay OLA Qawmiyaddii Oromada ka helaan dacmi iyo taageero ballaadhan. Waxaanay dib ugu gurteen dhulka ayga ah ee dhinaca Koonfureed. Maalmaha dagaalkaasi qadhaadhaa dhacayay Ninkii Kumsa waa uu baxsaday maadaama isaga si gaar ah loo bartilmaameedsanayay waxaanu u baxsaday dhinacaa iyo Uganda.

Sirdoonka Itoobiya iyo safaaradda Itoobiya ee Yugaandha waxa u suurtagashay in ay Kumsa dabagalaan kana codsadaan xukuumadda Kambala in loo soo gacan geliyo. Dowladda Uganda waxa ay diidday in loo soo gacan galiyo waxayse go’aansatay in Kumsa lagu maxkamadeeyo gudaha dalkeeda. Bulshada deegaanka Oromada ee ku nool dalka Uganda ayaa waxaa u suurtagashay in ay dhaqaale u ururiyaan si ay Kumsa ugu helaan difaac adag oo dhanka sharciga ah. Sidaas darteed, Kumsa waxa lagu xukumay hal sano iyo badh oo keliya oo xadhig ah iyada oo aan cidna loo gacan gelin markii uu xukunkaasi dhammaystayna isla markiiba waxa uu ku soo laabtay Gudaha Itoobiya isaga oo galay buuraha iyo dhulka kaymaha ah ee deegaamka Oromia.

Kumsa waxa uu haddana usii gudbay dhinacaa iyo Eritrea, halkaas oo saldhig u ahayd guddiga fulinta ee Jabhadda Xoreynta Oromada. Mudadii uu xabsiga ku jiray, waxaa la dilay taliyihii hore ee ciidamada xoraynta Oromada Jaal Legesse Wogi, ciidamadiisuna waxay ku jireen jahwareer. Kumsa waxa uu go’aansaday in uu dib u dhiso ciidanka Jabhadda Oromada gaar ahaan jiidda galbeed waxaanu abaabulka ugu xooggan bilaabay sannadkii 2010kii. Taliye Kumsa Diriba (Jaal Maro) waxa uu muddo kooban oo dhawr sano ah ku dhistay ciidan xooggan oo taageero ka helay dawladda ereteriya iyo jihooyin kale oo qarsoon oo aan la ogayn. Waxaana aad u taageeray dhallinyarada kacsan ee hogaanka u hayay kacdoonka dadka Oromada ah. Kadib kacdoonkii Oromada ee sannadkii 2012-kii, qulqulka askar qorista ayaa horseeday kor u kaca dhaq-dhaqaaqa milatari ee Jabhadda OLA-galbeed. Sannadkii 2014-kii, iyaga oo ka jawaabaya xasuuqii Irreechaa, ayaa dhallinyaradii aagga Qellem Wallagga waxay ku biireen ciidammada iyaga oo boqollaal boqollaal isku diiwaan galinayay. Kacdoonkaasi waxa uu keenay in ciidamadii maleeshiyaadka ahaa ee Gobolka ku sugnaa ee ay dawladdu taageeraysay ay dagaal la galaan oo hubkii ka qaataan sidaana ku kaxaystaan oo ay safkooda ku daraan.

Sida laga soo xigtay mid ka mid ah madaxda Jabhadda oo warbaahinta u warramay koxda OLA Waxa u suurto gashay in ay qabsadaan sannadkii 2016 degmooyin kala duwan oo ku yaalla aagga Wallagga. Isla sannadkaasi OLA-galbeed ee uu hogaaminayay Kumsa waxay bilaabeen inay qabsadaan oo maamulaan tuulooyinka miyiga ah, waxay sidoo kale samaysteen ciidan rayid ah oo u gaar ah oo xidhxidhay maleeshiyadii dawladda hoose. Markii uu talada dalka Itoobiya Yimid Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed waxa uu isku dayay in uu qowmiyad oromo ahaan kula xaajoodo OLA balse way diideen waxaanay ku adkaysteen in aanay halganka joojinayn illaa ay xaqooda helayaan. Dagaalo ayuu ninkii Kumsa Bilaabya isaga oo dhulka kaymaha ah ku baahiyay maleeshiyaadkiisa sidaasi ayuu ku noqday mid ka mid ah ragga wakhtigan ugu saamaynta badan dalka Itoobiya ahna xoogga culayska ku saaraya Abiy Axmed in xaajadu ku xumaato.

26-kii Bishii Diisambar ee 2020 waxa la afduubay waalidiinta ninkan Kumsa Diriba. Askar dawladda Itoobiya ka tirsan ayaa deegaanka ay deganaayeen ugu tagay kadibna waalidiintii afduubay sidoo kalena gurigoodii dab qabadsiiyey oo gubay. Hooyadii oo 65 jir ah iyo aabbihii oo 70 jir ah ayay qabsadeen si xunna u garaaceen ciidanka dawladdu. Wixii intaa ka dambeeyeyna hooyadii iyo aabihii indho dambe ma saarin waxaanay ciidanka dawladdu ku xabbiseen xabsiyo.

Taliyaha maleeshiyaadka OLA Jaal Marroo oo toddobaadkan waraysi gaar ah siiyey BBC-da ayaa sheegay in Dagaalku uu dhamaaday oo uu marayo heer gabogabo ah Maalmo/toddobaadyo kali ah kadibna ay gaadhayaan Addis Ababa. Deegaano muhiim ah oo ka tirsan Oromia ayaa hoos taga jabhaddan oo si dhow ula shaqaynaysa, iyadoo xidhiidh joogto ah la leh TDF. Laba jiho oo isku soo biiray, fursad ay labo ku wada dagaalamaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker