Dawlada Sacuudiga oo dil Qoor-goyna ku xukuntay Haweeney u dhalatay dalkooda

Maxkamad ku taalla Sacuudiga ayaa dil ku xukuntay haweeney u dhalatay dalkaas ka dib markii lagu helay iney dil badheeh ah kula kacday haweeney shaqaale u aheyd.

Ayesha al-Jizani ayaa wajahaysa dil qoor goyn ah markii ay dil u geysatay gabar reer Bangladesh ah oo la odhan jiray Abiron Begum bishii Maarso 2019 sida ay sheegtay warbaahinta Sacuudiga

Kooxaha u dooda xuquuqda xuquuqul insaanka waxay sheegeen in talaabadani uu qaaday Sacuudiga ay tahay mid naadir ah.

“In loo shaqeeye lagu helo loona ciqaabo dambi ah inuu ku xadgudbay shaqaale muhaajiriin ah oo ku sugan waddan ka ka tirsan Bariga Dhexe waa arrin naadir” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay heyadaha xuquuqda aadanaha oo talaabadan soo dhoweeyey.


Abiron Begum. Marxuumada la dilay
Dilkii Abiron Begum loo geystay bishii Maarso 2019 ayaa soo afjaray labo sano oo ay wadamada khaliijka u soo aaday shaqo ay fileysay in mushaharkeeda fiican yahay, balse ay ku weyday nafteedii

Ehelada Begum waxay ku booriyeen dowlada Bangaladhesh inay talaabo ka qaado dilaaliin ay sheegeen iney sireen Begum, oo 40 jir aheyd si ay uga soo shaqeystaan dalka sacuudiga.

“Waxay rabtay inay aado dibedda si ay lacag badan u hesho una caawiso waalidkeed oo da’ ‘ah,” ayuu yiri Ayub Ali oo ka tirsan qoyska Begum xili uu a hadlayey Reuters.

“Waxay bilaabeen inay jirdilaan laba toddobaad ka dib markay tagtay. Way na soo wici jirtay oo ay ooyi jirtay, waxaan ka codsannay dillaaliinta dhoofiyey inay soo celiyaan, laakiin cidina nama dhageysan” ayuu intaas ku daray Ayub Ali.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker