Dalalka Tunisia, Bosnia iyo Croatia oo isku heysta nin loo heysto dilka sarkaal ka tirsanaa Xamaas

Dowlada Tunisia ayaa sheegtay in gacanta lagu dhigay mid kamid ah labo nin oo sanadkii 2016 wadankeeda ku dilay sarkaal ka tirsanaa kooxda Falastiin ee Xamaas, eedaysanahaasi oo hada lagu hayo dalka Croatia.

Xeer illaalinta dalka Tunisia ayaa muddo dheer ku raad joogtay labo nin oo la sheegay inay u dhasheen dalka Bosnia oo dil u geystay Maxamed Al Zawari oo ahaa injineer ka tirsan kooxda Xamaas oo u qaabilsanaa dhanka diyaaradaha Drone-ka.

Maxamed Al Zawari ayaa lagu dilay bishii December 2016 magaalada Sfax ee dalka Tunisia, waxaana rasaas ooda looga qaaday isagoo saaran gaarigiisa.

Ragga dilka geystay oo la tuhunsan yahay in ay u shaqeeyaan Israel ayaa dhawaan la shaaciyey xogtooda, waxaana mid kamid ah bishii Maarso ee sanadkan lagu qabtay dalka Croatia.

Dowlada Tunisia oo dooneysa in ninkaasi loo soo gacan gesho ayaa sheegtay in Wadanka Bosnia oo uu u dhashay muwaadinkaasi ka horjoogsatay dalka ay jaarka yihiin ee Croatia inay ninkaasi u gacan geliyaan saraakiisha dalka Tunisia.

Sirdoonka Israel ee Mossad oo adeegsada kooxo wadamo badan kasoo kala jeeda ayaa la rumeysan yahay inay ka danbeeyeen dilalka lala beegsanayey xubno aqoonyahano ah oo la sheegay inay ka tirsanaayeen ururka Xamaas, waxaana dilkii ugu danbeeyey lagu khaarajiyey Fadi al-Batsh oo ahaa injirneer 35 jir ah oo bare ka ahaa dalka Malasia, kaasi oo rasaas lagu furay isagoo maraya goob u dhaw gurigiisa magaalada Kuala Lumpur, bishii lasoo dhaafay ee April.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker