Uganda: Madaxwayne Musaveni Oo Cambaarayn Kala Kulmay Video Laga Soo Duubay

Madaxwaynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Cambaarayn gudaha ah kala kulmay Video si wayn loogu wadaagay baraha bulshada oo muujinay isaga oo kursi ku fadhiya, isla markaana dhawr qof oo waayeel ah gudoonsiinay bushqad waqti ay hortiisa jilbo-joogsanayeen.

Video-gan ayaa la duubay 5tii bishan January waqti uu madaxwaynahu kugu dajiray Ambaqaad uu dib ugu milicsanayay raadkii halganka iyo Sanadihii 1986kii iyo  meelahii uu ka soo bilaabay jabhadaynta. Waxana uu madaxwaynahu ka damacsanaa booqashadan in uu taageerayaashiisa ku qanciyo inuu mar kale is sharaxo.

 

Video-ga ayaa muujinayay madaxwaynaha oo kursi ku fadhiya, dad ku hareeraysana ay heeso qaadayaan, sacab iyo  durbaana tumayaan, waxa ka soo muuqanaya Video-ga oday wayn oo jilbaha u fadhiya oo madaxwaynaha gacanta u taagaya si uu uga gudoomo bushqad, labo qof oo kale oo waayeel ah ayaa iyaguna yaga oo jilbo-jooga madaxwaynaha ka gudoomaya bushqada.

 

Video-gan ayaa lagu baahiyay bar tweeter ah oo ay dooladu leedahay, balse saacad ka dib ayaa waxa ka fal celiyay hogaamiyaha mucaaridka Kizza Besigye oo damacsan inuu doorashooyinka 2021 kula tartamo Mr Museveni, waxana uu ku tilmaamay falkan mid bahdil ku ah halgamayaasha dalka.

Dad badan oo rayid ah ayaa iyaguna baraha bulshada ku wadaagay video-gan waxana ay cambaareeyen dhacdadan, iyaga oo ay qaarkood tilmaameen inay haboonayd in Madaxwaynahu uu xushmeeyo halgamaasha ugu yaraana uu u istaago marka uu gudoonsiinayay bushqada.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker