Amisom oo Xaqiijisay inay Dad Shacab ah ku Laysay Gobolka Shabeelaha Dhexe ee Dalka Somalia

Muqdisho:Howlgalka nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya ee Amisom ayaa qiray in dad shacab ah ay ku dhinteen iska hor-imaad dhex-maray ciidankooda iyo kuwa Al-Shabaab oo ka dhacay deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

 

 

Qoraal kasoo baxay Amisom ayaa lagu sheegay in 8-dii June ay dagaal-yahanada Al-Shabaab soo weerareen waddo Agabka loo mariyo ciidanka Amisom oo ku taalla Waqooyiga Bari ee Janaale, kadibna iska hor-imaad ka dhashay jawaabtii ay bixiyeen ciidamada Amisom ay ku dhinteen dad shacab ah.

 

“Nasiib darro, saddex haween ah ayaa lagu dilay iska hor-imaadka waxaana lagu dhaawacay laba kale, oo hadda lagu daweynayo isbitalka Amisom. Waxaa raali-gelin iyo tacsi u direynaa ehellada kuwa dhintay, waxaana kasoo kabasho deg-deg ah u rajeeneynaa kuwa dhaawaca ah,” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay Amisom.

 

 

Madaxa howlgalka Amisom Francisco Madeira ayaa sidoo kale tacsi u diray ehellada dadka dhintay, wuxuuna ballan-qaaday inay sare u qaadi doonaan sugidda amniga si loo xaqiijiyo bad-baadinta shacabka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker